Doon Siday Tahriibayaal 400 Ruux Kor Udhaafay Oo Dhalinyaro Reer Somaliland Ah Ubadan oo Ku Dagtay Biyaha Bada Ee Udhexeeya Masar Iyo Talyaaniga+Sawiro
April 17, 2016 - Written by Berbera Today
Masar(Berberatoday.net)-DOONI SIDAY 400 MUJAHIRIIN AH OO AY KU JIRAAN SOMALI OO XALAY KU DEGTAY BADDA U DHAXEYSA MASAR IYO ITALY + MAGACYADA QAAR KA MID AH DADKAAS Waxaa habeenkii xalay aheyd ku degtay badda Meditaraniyankaee u dhaxaysa Masar iyo Italy ku degtay doon siday 400 oo mujaahiriin ah taas oo dadka somalida ah ee ku jiray lagu qiiyasay ku dhawaad 200 qof waxaana la sheegayn inay guud ahaan muhaajiriintaasi dhamaantood ku dhinteen Masiibadaas.
Dadkan Somalida ah ayaa waxa ku jiray dhalinyaro rer Somaliland ah oo ka soo kala jeeda Magaalooyinka Burco , Berbera, Hargeysa
Halkan hoose ka akhri kana daawo sawirada qaar ka mid ah dadkaas Somalilada ah ee ku jiray muhaarintaas ku naf waayey doontas xalay ku degtay bada
1- axmed shuuriye iyo Xaaskiisa AHN (Burco )
2-cismaan cabdi wali shagaxle AHN (Burco )
3-baashe farax jamac AHN (BURCO)
4-mukhtarCiise AHN (BURCO)
5-maxamed faroole AHN
6- ciise Cali AHN
7-Ahmed aadan AHN
8-ayman AHN
9-Koos Xuseen Cali AHN (BURCO )
10-khadra AHN
11-farduus burco AHN (BURCO )
12-ruqiya adiris AHN
13-maxamed mire AHN
14 Cawaaale warsame sandool oo ahaa saxafi ka wakhti xaadirkaa ka shaqayn jiray qaar kamida idaacadaha muqdisho