Dabley Hubaysan Oo Galbeedka Dalka Itoobiya Ku Laayay In Ka Badan 140 Qof Qaar Kalena Afduubtay
April 17, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay 140 qof ku dileen dhanka galbeed ee dalkaasi, ugu yaraan 39 cunugna ay afduubteen.
Getachew Reda oo ah wasiirka isgaarsiinta, waxa uu sheegay in kooxda wax weerartay ka yimaadeen dalka dalka deriska la ah ee South Sudan.
Qowmiyadda la weeraray waxa ay ka soo jeedaan Gambela, oo mararbadan weeraro dhanka South Sudan laga soo qaaday la kulmay.
Dableyda weerarka qaaday ayaa waxa ay kasoo jeedaan qowmiyadda Murle, dowladda Itoobiya ayaana sheegtay in 60 qof laga dilay.