Safiirka iyo Safiir Ku Xigeenka Safaaradda Somaliland ku Leedahay Itoobiya ayaa Isku Khilaafay Soo Dhaweynta Xubno Ka Tirsan Isbahaysiga KULMIYE.
April 17, 2016 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Khilaaf ba’an oo sababay in shaqada safaaraddu joogsato ayaa soo kala dhex galay safiirka iyo safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay Addis Ababa, waxana ay si weyn iskugu maan dhaafeen soo dhaweyn uu safiir ku xigeenku ku qaabilay xubno ka tirsan isbahaysiga xisbiga KULMIYE,iyadoo markii safiir ku xigeenka safaaraddu Mr Ayaanle Salaad Diiriye si heer sare ah u soo dhaweeyey xubnahan isbahaysiga ka tirsan,uu ogaaday safiirka safaaraddu Ambassador Adan Muuse Jibriil kadibna uu ka cadhooday soo dhaweynta heerka sare ah ee uu madaarka Addis Ababa Mr Ayaanle ugu sameeyey xubno ka tirsan isbahaysiga KULMIYE, oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Ku Xigeenka sadexaad ee KULMIYE Xildhibaan C/raxmaan Talyaanle iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Warshadaha Mr Mawlid Weris iyo xubno kale.
Safiirka safaaradda ayaa ku eedeeyey safiir ku xigeenku in uu weli ka tirsan yahay isbahaysiga KULMIYE iyadoo uu hore u ahaa nin ay aad isku dhaw yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu aad u taageero safiir ku xigeenku Mr Ayaanle, Ambassador Adan muuse jibriil ayaa waxa uu sheegay in aysan suurto gal ahayn in nin xilkan safiirku xigeenka hayaan uu hadana ka tirsanaado isbahaysiga KULMIYE,iyadoo uu metelo xukuumadda taladda haysa ee xisbiga KULMIYE ee uu murashaxa u yahay Muuse Biixi Cabdi,safiirka ayaa waxa uu ku adkaystay in ay waajib tahay in xukuumadda Somaliland ka soo bedesho safiir ku xigeenka mr Ayaanle madaama uu ka tirsan yahay isbahaysiga KULMIYE ee ka soo horjeeda murshaxnimadda Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadda taladda haysa,khilaafkan cusub ayaa waxa laga dareemayaa xarunta safaaradda Somaliland ku leedahay Addis Ababa,iyadoo mudooyinkan danbe aysan wax shaqo ahi ka socon safaaradda khilaafka awgii,madama Mr Ayaanle ayaa ku dooday in ay lagaam maarmaan tahay oo ay ka go’an tahay in uu soo dhaweeyo xubnaha isbahaysiga KULMIYE sheegayna inay xasaanad iyo karaamo ay leeyihiin,xaqna ay u leeyihiin in loo soo dhaweeyo sida loo soo dhaweeyo madaxda qaranka oo kale,wuxuu ku adkaystay safiir ku xigeenku in uu soo dhaweyndoono inta uu xilka safiir ku xigeenka uu hayo cidna uusan waxba ka weydiin doonin,waana sababta keentay in uu khilaafku sii adkoodo oo shaqadii safaaraddu u joogsato khilaaf awgii.
Hadaba hadii aysan xukuumadda Ahmed Siilaanyo deg deg u soo faragelin khilaafka cakiran ee ka dhex qarxay safiirka iyo safiir ku xigeenka safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya waxa dhici karta in gabi ahaanba albaabaddu u xidhmaan xarunta safaaradda ee caasimadda Addis Ababa Somaliland ku leedahay, madaama oo labada masuul ku kala duwan yihiin aragtida iyo mawqifka siyaasaddeed ee ay kala aaminsan yihiin oo safiirkuna uu aaminsan yahay siyaasadda xisbiga KULMIYE ee uu musharaxa u yahay Muuse Biixi Cabdi,halka uu safiir ku xigeenku uu aaminsan yahay siyaasadda iyo aragtida garabka isbahaysiga KULMIYE,oo ay adag tahayna inay wada maamulaan xafiis kaliya.