berberatoday.com
Masuul Xukuumadda Ka Tirsan Oo Miis Isugu Keenay Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada & Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Qodobada la Isla Soo Qaaday
April 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro), ayaa dhawaan kulan hoose oo albaabadu uxidhan yihiin la qaatay wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Sida ilo looga qaateen ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Hubaal, waxa kulanka hoggaamiyaha WADDANI iyo Ex. Wasiir Xirsi uu ka dhacay aqalka guddoomiye Cirro, waxana gadh-wadeen ka ahaa, isla-markaana dhexdhexaadinayey labadan siyaasi guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo dedaal ugu jira sidii  ay u midoobi lahaayeen.

xirsi iyo cirroUjeeddada kulankan ayaa lagu sheegay mid uu ex. Wasiir xirsi kusoo bandhigay badheedhihiisa la xidhiidha damac uu ka qabo inuu shoofeer ka noqdo kursiga laga hoggaamiye xisbiga socod-baradka ah ee WADDANI, waxana uu si cad u sheegay inuu doonayo sidii loogu wareejin lahaa guddoomiyenimada xisbigaas,

Haddiiba labadan nin doonayaan inay dhistaan cudud mucaaradeed oo ay kaga hortagaan quwadda xisbiga talada haya ee KULMIYE. Guddoomiye Cirro ayaa la sheegay inuu si deggen u dhegaystay, isla-markaana dhuuxay damaca iyo rabitaanka Xirsi, waxase uu ku falceliyey garnaqsi uu  Ex. Wasiir xirsi ku raagay ka jawaabistiisa, taas oo markii dambe keentay inuu guddoomiye Maxamed Shugri arrinta dhexgalo oo uu isku dayo inuu isfaham ka dhexdhaliyo madasha uu isagu abaabulkeeda lahaa.

xirsi-iyo-cirro

Guddoomiyaha WADDANI, ayaa isagu damaca Ex. wasiir Xirsi kaga jawaabay su’aal jawaabteedu adkaatay oo ahayd inaanu waxba ka qabin wareejinta guddoomiyenimada xisbigiisa, balse uu ku wareejin karo siyaasi reerkiisa wata, isla-markaana ay ka muuqato cudud taageero oo  hunguri gelin karta kaadirka awoodda badan ee go’aamada xisbiga soo gorfeeya, waxana taasi ay laf dhuun gashay ku noqotay Ex. wasiir Xirsi oo aan haba yaraatee su’aashaas meesha ka filaynin. Su’aasha guddoomiye Cirro oo ku adkaatay Ex. wasiir Xirsi,

Ayaa markii dambe waxa jawaabteeda u holloday guddoomiyaha rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri, kaas oo si fudud u dhegta guddoomiye Cirro ugu hubsaday xog aanu hore u haynin oo ah inuu Xirsi gacanta ku hayo wax reer ka qaalisan oo ah komishanka doorashooyinka qaranka. Guddoomiye Cirro, ayaa sida aanu warka ku hayno daqiiqado kooban aamusay, kadibna muujiyey debacsanaan iyo qanacsanaan intii hore ka dhaw, isagoo si weyn ula dhacay dheeraadka(credit)loo sheegay inuu ex. wasiir Xirsi gacanta ku hayo oo uu u arkay fursad aan la hilmaami karin.

Sida aanu xogta ku hayno Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalka qaatay, ayaa si weyn u baanay, waxana uu guddoomiye cirro hortiisa ka ballan qaaday inuu wax ka weyn waxa uu dalbaday u hayo, isla-markaana uu horseed u noqon karo guul aan lagu dhibtoon oo uu xisbigiisu kasoo hooyo doorashooyinka soo socda. Guddoomiye Cirro,

Ayaa isagu muujiyey waxoogaa debecsanaan iyo soo dhawaanshiiyo intii hore ka sokeeya, waxana uu xirsi u sheegay inuu diyaar u yahay inay si qoto dheer u lafo guraan rabitaankiisa iyo waliba wareejinta guddoomiyenimada xisbiga, balse uu arrintaas u talo badsanayo, waxana loo ballamay kulamo dambe. Wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa saaxiibo waaweyn oo xogaha usoo gudbiyo ku dhex leh xukuumadda uu hore uga tirsanaan jirey, waxana kamid ah guddoomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shugri oo isagu dhexdhexaadiyo ka ah wada-hadalka aan wali natiijada laga gaadhin ee uu la qaatay guddoomiye Cirro.

 

 

Source Wargayska Hubaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews