berberatoday.com
Ujeedada uu Daaranyahay Safar Qarsoodiya oo Wasiiradda Madaxtooyadda Iyo Arrimaha Dibadda Somaliland Ku Tageen Turkiga
April 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maalintii dorraad ee Axaddii magaalada Hargeyska ka ambabaxay wasiirrada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada oo si ka duwan sida inta badan looga bartay waftiyada miisaankan leh aan laga war helin ujeedka safarkooda iyo halka uu ku jihaysan yahay, waxase durbadiiba soo baxay warar xaqiijinayey in labada wasiir ay u duuleen dalka Turkiga, iyo dareen ah in uu safarkani xidhiidh la leeyahay wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socon jiray Turkiga oo dib loo bilaabaya kadib markii ay muddo hal sano ka badan hakad ku jireen.

wasiiro98(1).jpgIsla dorraad waxaa isna dalka Turkiga safar aan ujeedkiisa la shaacin ugu ambabaxay wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka somaliya Cabdikariin Xuseen Odowaa

Safaradan masuuliyiinta ka kala socda labada dal ku kala tageen turkiga Ayaan ah kuwo qarsoodiya oo aan si rasmiya looga sheegin warbaahinta waxaanay taasi keentay inay ka dhashaan tuhuno hoose oo la xidhiidha qaabka wadahadalkani u dhacayo

Dhanka kale warar Baligubadlemedia helayso ayaa sheegaya in dawladda turkiga oo dabadda ka riixaysa arinkani labadda dhinacba xoog ku saartay in dib loo bilaabo wadahadalka labadda dal

Si kastaba ha ahaatee masuuliyiinta Somaliland ee shirka ka qayb galay Ayaan la ogayn waxa ay la shirtageen iyo halka ay ka istaagi doonaan qaddiyadda iyo gooni isutaaga Somaliland maadaama oo wasiiradda Somaliland ku matalaya kulanku aanay ahayn shakhsiyaad Somaliland-nimadu la wayntahay kuwaasoo qaarkood kaba soo horjeedeen halgankii dibu xoraynta dalka ee SNM

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews