berberatoday.com
Wasiirka Qorsheynta Hooyadii Oo Geeriyootay Iyo Madaxweyne Siilanyo Oo Tacsi Udiray Wasiirka Iyo Ehelkii ay Ka Baxday Marxuumadu
April 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Hooyada dhashey wasiirka Qorsheynta Qaran Hooyo Faadumo Xaaji Cali Xaaji Abokor.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa wasiirka ka tacsiyadeeyay Geerida ky timid Hooyadii waxaana uu warsaxaafadeed soo saaray u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Hooyo Faadumo Xaaji Cali Xaaji Abokor oo ku geeriyooday Hargeysa 18.04.2016.

 

Madaxweynuhu waxa uu si gaara tacsidaa ugu dirayaa wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ay marxuumadu hooyadii ahayd.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Dhinaca kale, Maamul iyo shaqaalaha Shabakada wararka Berberatoday.com/net waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Wasiirka Qorsheyn  Cali Shoombe geerida ku timid hooyadii, waxanay leeyihiin Ilaahay marxuumada haka waraabiyo Janada Fardowsa, dadkii ay ka baxdayn Samir iyo iimaan haka siiyo.Aamiin Aamiin.

 

 

 

Berberatoday.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews