berberatoday.com
Xil. Qabile Oo Ku Hanjabay Inay Dhimista Miisaaniyadda Laali Doonaan Haddii Golaha La Keeno
April 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ee Wakiilada ayaa sharci daro ku tilmaamay Digreetada Madaxweynaha ee ah qiimo

qabiile

dhimista Miisaaniyadda Qaranka, waxaanu sheegay in aanay jirin meel ay sharciga iyo dastuurka kaga taal.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa “Madaxweynaha waxa aan leeyahay Madaxweyne Barlamaanka waad ku soo jirtay, Wasiirka Maaliyadda waad soo noqotay, Dhaqaalaha waad soo baratay, ee dib ugu noqo Dastuurka, gaar ahaan dib u eeg Xeerka 55-aad, markaas ayaad arkaysa sharciga aad jabisay, inkasta oo aan is leeyahay umaad badheedhin ee waa lagu hoos dhigaye.

Ta kale bishii afaraad ayaa lagu jiraa weli Odoraska Miisaaniyadda lama qiimeeyn karo, oo lama gaadhin bishii lixaad, waxa aana la doonayo in wasaaradda iyo Shaqaale masaakin ah in maalkooda laga jarto, maxa yeelay baahi dhab ah oo lagu qanco oo ilaa hadda la soo dhigay ma jirto, waxaana leeyahay waa sharci daro, waana laalaynaa haddii Golaha Wakiilada la keeno”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey Cadaalada, Garsoorka iyo Golayaasha yidhi “Waxa la doonayaa in meel qudha laga wada maamulo Cadaalada, Garsoorka iyo Sharcidejinta, waxa la doonayaa in lagu takrifalo hantida qaranka, waxa la doonayaa in cid gaar ah loo xidhnaado, laakiin taasi suurtagal maaha, haddii aanu nahay Guddida daba-galka Hantida Qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa aanu xaq u leenahay in aanu daba galno oo aanu dib u eegno hanti alaale hanti qaranku leeyahay, nooc kasta oo ay ahaato, waxa kale oo aanu xaq u leenahay in aanu dib u eegno wixii shuruucda iyo sharciga”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews