berberatoday.com
Diyaarad Xamar Ka Soo Kacday Oo Ay La Socdaan Wiilka Uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay Ee Baashe Cawil Iyo Diblomaasiyiin Imaaraatiyiin Ah Oo Saaka Ka Soo Degtay Madaarka Berbera
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Garoonka diyaaradaha BerberaBerbera(Berberatoday.com)-Waxa abaaro 11 kii galinkii horee maanta madaarka Berbera ka soo degtay diyaarad Xamar ka soo kacday oo ay saarnaayeen wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil Cumar iyo dibloomaasiyiin ka socday dawladda Imaaraatka Carabta oo ay ka midahaayeen safiirka dawladaasi u fadhiya Muqdisho iyo masuuliin kale oo loo malaynayo inay ahaayeen saraakiil Ciidan ah.

fly dubai

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda flydubai ayaa wafdigii saarnaa iyo masuuliintii dawladda Somaliland ee ka hortagtayba laga qariyey dadweynaha gaar ahaa warbaahinta oo loo diiday inay kasoo ag-dhawaadaan iyadoo ay shaqaalaha madaarku wariyeyaasha u sheegeen inay diyaaradaasi aheyd duulimaad gaar ah oo Baashe Morgan iyo Imaaraatiyiinta ka soo qaaday magaalada Muqdisho.

 

Hore ayey warbaahintu u sheegtay in wiilka uu madaxweyne Siilaanyo soddoga u yahay wado mashruuc uu doonayo inuu ku kireeyo madaarka iyo dekadda Berbera intaan waqtigu ka dhamaan xukuumadda hada jirta.Sida la sheegay dawladda Imaaraatka ayaa danaynaysa inay kiraysato madaarka Berbera si ay u isticmaali karaan ciidamada cirka iyo badda ee Isbahaysiga dawladaha Khaliijka ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yaman ee Iiraan taageerto.Mashruuca kale ee uu Baashe Morgan baryahanba isku taxalujinayey inuu hirgalayo ayaa sida ay warbaahintu hore u sheegtay ah sidii dekedda Berbera loogu wareejin lahaa shirkad uu isagu abbaan ka yahay.

Waxase la yaabka iyo isweydiinta leh sababta wiilka uu madaxweynaha dalku soddoga u yahay ee waliba xukuumadana ka tirsan geysay Xamar iyadoo awalba ay jireen warar sheegayey in Baashe Morgan xidhiidh la leeyahay Xasan Sheekh, madaxweynaha dawladda Federaalka Somalia ee sheegata in Jamhuuriyadda Somaliland hoos timaaddo ,oo uu waliba Baashe ka saxeexdo waraaqaha ogolaanshaha(non-objection letters) kawaasoo ay dawladaha iyo shirkadaha shisheeye ku xidhaan inuu ka haysto dawladda Muqdisho si ay heshiisyada ay la galaan Baashe ansax u noqdaan

Baashe Cawil Cumar(Baashe Morgan) ayaa lagu tilmaamaa inuu wax badan kaga jiro musuqmaasuqa lagu eedeeyo xukuumadda Kulmiye iyadoo uu qayb libaax ka qaato qandaraasyada dawladdu bixiso isla markaana uu shaqooyinka heerka dhexe iyo heerka sare ee dawladda qoro rag qurbo joog ah oo sidiisa ku soo fashilmay noloshii dibadaha.Wiilkan ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa liiska xubnaha xukuumadda Siiraanyo ee niyad jabka ku rida dhalinyarada dalka ee markay jaamacadaha ka baxaan camal la’aanta la daanduuma iyadoo rajo-beelka ay ka qaadaan ee aakhirka ku kalifa inay dalka ka tahriibeen ay tusaale ugu soo qaataan cadaalad xumada,musuqa ,qaraabo kiilka iyo ku tagrifalka awooda dawladeed ee uu waliba si gaar ah ugu dhaqmaan  Baashe Morgan iyo xubnaha kale ee qoyska madaxtooyadu.

DSC04027

Sidoo kale garoonka diyaaradaha Berbera ayaa mudo hada laga joogo Sadex sanadood dib uhabayn iyo casriyayn dawlada dalka Kuwait ku samaysay iyada oo mudadii sadexdaas sanadood ka danbaysayna aanu shaqayn garoonka diyaaradaha Berbera oo caaro ku dhalatay, waxaana la rumaysan yahay inuu madaarka diyaaraduhu ka hadaan ee Berbera uxidhan yahay qaab siyaasadaysan oo uu bud dhigay wasiirkii hore ee wasaarada Duulista hawada ee hadana ah wasiirka madaxtooyada oo culays iyo cadaawad gaamurtay uhaya Gobolka saaxil iyo shacbiga dagaba,

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews