berberatoday.com
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Mujaahid Cali Gurey Ku Eedeeyay Laba wajiileyn Uu Ka Dhex Wado Musharax Jamaal Cali Xuseen Iyo Isaga
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in isaga iyo musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaasi uu isku diray Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey).

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku dooday in Jamaal Cali Xuseen uu  Caban karo,  balse Mujaahid Cali gurey aanu waxba ku lahayn Xisbiga Ucid haday noqoto taageere iyo cod uu xisbigaasi usoo hooyo.

Faysal Cali Waraabe waxaa Cali gurey ku sheegay mid u kala sheekeeya Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyaha Xisbiga waxaanu yidhi “Waxyaabaha Badan ee aniga Jamaal noo dhaxeeya Cali Gurey ayaa isku kaaya diray, ana afbuu igula hadlayaa Jamaalna Af,Cali Gurey aniga iyo Jamaal hanaga Dhexbaxo xisbiga waxba uma yaalaan ooh al cod muu keenin”

Faysal Cali Waraabe waxaa uu iska fogeeyay inuu baabiinayo Xisbiga UCID “Anigu ma yihi nin shaqeysta, Faysal waala yaqaanaa, caqligana ma gasho Faysalbaa xisbiguu usoo dhintay buu  baabiinaya oo Cali Gurey oo shalay soo galay uu ka ilaalinayo, dadka waxaasi aaminsani way khaldanyihiin”

Guddoomiye Faysal Waxaa uu sheegay inaanu jirin Khilaaf u dhaxeeya Isaga iyo Jamaal Cali Xuseen “Nin shalay Xisbiga iska soo galay oo aanu magac siinay oo Facebooga ku ciyaaraya maaha inuu yidhaahdo Faysal ayaa xisbiga baabiinaya.Ciyaal intay Hargeysa ku qayilaan wixii maskaxdooda kusoo dhaca ku hadla anigu lama hadlo, waxaan la hadlaa cadowga Somaliland, waxaan ka hadlaa siyaasada aduunka, Aniga iyo Jamaal waxba nagama dhaxeeyaan, wax khilaafa xisbiga kama jiraan, Jamaal waa nin Xisbiga Wax gashaday xaqbuu u leeyahay inuu wax ka hadlo laakiin maaha inuu Cali ka hadlo xisbiga Dhexdiisa.”

 

Hadalkan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya kadib markii Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga UCID iyo Mujaahid Cali Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga ay u gudbiyeen Komishanka Diwaangalinta Asxaabta siyaasada Somaliland oo ay ka sugayaan wakhti ay bilaabayso dacwadaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews