berberatoday.com
Maydka tiro Beelay,Badweyntu Tufayso,Wedkaa jidka taagan,Ku Taamilo Qaado”Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa maanso baroordiiq ah ka tiriyay Dhalinyartii ku dhimatay Bada u dhaxay Talyaaniga iyo Masar.
Maansada Abwaan ku tiriyay oo ka hadlay Xanuunka Tahriib iyo sida aan looga warqabin dhalinta Badaha ku madhatay waxaa ay odhanaysaa:-
Maydkaa tiro Beelay

Badweyntu Tufayso

Wedkaa jidka taagan

Ku Taamilo Qaado.

Ha Tiigsanin Laaca

Ha sii Tahanbaabin

Ha sii Tartaraarin

Ha Toogan Hankaaga

Ha Taabin Naftaada

Ha Taagin Saxaare

Badweyn Ha ku Tuurin

Wedkaaga ha Tooyan

U Tudho Lafahaaga

Tafiir Go’ ha keenin.

Tayee Noloshaada

Ku Tiirso Dhulkaaga

Dhul kale Ha ku Taamin

Taariikhaha Dheeho

Tagtada Dhacdadeeda

Tusaale u Qaado

Duruusta Tacliinta

Wixii Hadda Taagan

Ku bixi Tamartaada

Timaadada Aawan

Ku Toos Qorshaheeda

Rabbina Talo saaro.

:

Tigaaddiyo Doogga

Saraha Yurub Teedsan

Hadduu Qof Tahriibay

Intuu is dhex taago

Hummaag ku Tusaayo

Taswiirtu Run Maaha.

Hooyada La Tacaasha

Tabaalaha yawmka

Adduun tartankiisa

Dartaa u tabcaantay

Cadceed isu taagtay

Intay wax tashiishay

Dharkaaga toloysay

Hooyada ku Tabcaysay

Maruun ha Tisqaado

Maruun ha tanaado

Maruun lib taabo

Hooyada wax tarkaaga

Ku soo tashanaysay

Tafteeda ha baadhan

Abaalkay tabaysay

Intaad kala tuurto

Huq iyo naxdin taagan

Ha saaranin tuurta

Tunkana ha ku qaadan.

Wixii Dad Tahriibay

Tirada Ka Badbaadday

Talyaaniga Gaadhay

Kunkii Toban Maaha

Badhbaa La Takooray –

Babadhbaa la taxaabay

Badhbaa la tarxiilay

Tashbaa dadka haysta

Tabaalada meeshu

lixdaa tuduc maaha

Intaan taxay maaha

Ka sii badan tawstu

Haddaad Tag is Leeday

Dhib baa Yurub Taalla.

Tahriibku xal Maaha

Tub loo bogo Maaha

Tus loo ordo Maaha

Tuf Shiikh Dhigay Maaha

Garaad Togan Maaha

Ku toos cidla Maaha

Tilmaan sugan Maaha

Marnaba Talo Maaha.

Tahriibku lur Weeye

Tab-faashila weeye

Tag oo Dhimo weeye

Turaanto weeye

Tagooga jab weeye

Hungiyo tuhun weeye

Taws iyo Cudur Weeye

Tiiraanyo Xun weeye

Geeriyo Tacsi Weeye

Baroor Timid weeye.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews