berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Xog Waranka Hooyo Faadumo Ka Bixisay Doonidii Ku Qaraqantay Xeebaha U dhaxeysa Talyaaniga Iyo Masar Oo Laba Qof Kaga Dhinteen
April 20, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Faadumo Cawil Khayre waa hooyo ku nool magaalada Hargeysa oo ay bada kaga dhinteen gabadh iyo ilmo yar oo ay dhashey.

Waxaa ay markii u horeysay sheegtay in doonidii ku qaraqantay xeebaha giriiga ay mudo toban cisho ah bada ku jirtay  oo la waayay meel ay ku sugantahay, hooyadu waxaa ay sheegtay inay ka murugeysantahay dayac ay sheegtay inay bulshadii ka kulantay xukuumada Somaliland taasi oo ay sabab uga dhigtay tahriibiyayaasha dhalinyarta dalka ka kaxeeya.

Faadumo waxaa ay sheegtay inay mudadaasi doontu bada ku jirtay ay la hadlaysay cidwalba oo garab moodaysay balse ay dadkaasi ugu jawaabeen inay doonidaasi nabad qabto.

“waa maalin madow, bil madow, sanad madow bay noo tahay,Qadarka Ilaahay waanu ku kalsoonahay ee waxaanu diidanahay dayaca, darxumada nagu dhacday, masuuliyad la’aanta, ixtiraam la’aanta dawlada”ayay tidhi Hooyo Faadumo oo ka murugeysan geerida ku timid gabadheedii iyo ilmo yar oo ay dhashey.

Faadumo waxaa ay sheegtay inay xukuumada uga baahanyihiin in loo baadho mukhalasiinta dhalinyaradaasi saaray doon ay sheegtay inay daloosho “ Waxanu doonaynaa raga caruurtayadii saaray doonta daloosha ee tobanka cisho bada meeraysanaysay nagu lahaa way nabadqabaan, dunida ayaanu la hadli lahayn oo waana loo badbaadin lahaa”ayay tidhi Hooyo Faadumo.

Dooni siday 500 oo tahriibayaal Somali u badan tahay oo mudo toban cisho ah bada ku jirtay ayaa la ogaaday inay ku dhinteen dhamaan dadkii doonidaasi saarnaa kuwaasi oo u badnaa soomaali gaar ahaan reer Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warbixintan oo Dhamaystiran

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews