Gudoomiyaha UCID ee SAAXIL oo Xukuumadda Ku Dhaliishay Inay Ka Gaabisay Shaqo Abuurka Dhalinyarada,Tacsina U Dirtay Dhalinyaradii Badda Ku Geeriyootay.
April 21, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Marwo Rooda Ahmed Yaasiin ayaa waxay soo saartay bayaan ay kaga hadashay dhalinyaradii dhawaan badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga ku qarqoontay,ugu horeyn waxay ku tidhi bayaanka ay soo saartay“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka,qaraabadda,asxaabta iyo qaranka Somaliland ee ay ka geeriyoodeen dhalinyaradii ku dhibatay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga,waxaan leeyahay ilahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhalinyaradaasii qaranka ka geeriyootay iyagana ilahay janooyinkiisa ha geeyo”.
Marwo Rooda Axmed Yaasiin ayaa sidoo kale waxay canbaareyn dusha uga tuurtay xukuumadda uu hogaamiyo Ahmed Siilaanyo oo ay ku tilmaantay inay ku fashilantay wax ka qabashada tahriibta iyo shaqo abuurka dhalinyarada iyadoo arimhaasi ka hadlaysa waxa ka mid ahaa hadaladeedii“waxaan halkan ka canbaareynayaa xukuumadda gabtay dhalinyaradii iyo ubaxii dalka ee wax alle iyo wax ay u qabatay aysan jirin ee maalin iyo habeen heeganka ugu jirta boobka hantida umadda iyo musuq maasuqa xoolaha dadweynaha”.