berberatoday.com
Hay’adda UNHCR Oo Sheegtay In 500 Oo Qof Ku Dhinteen Badda U Dhaxaysa Dalalka Masar Iyo Talyaaniga.
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

Geneva(Berberatoday.com)-Hay’adda UNHCR sheegtay in 500 oo qof ay dhici karto inay ku dhinteen badda Mediterranean-ka, kadib markii ay dooni halkaas  ku dagtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in tiradan ay ka soo xiganayso qaar ka mid ah dhalinyaraddii shilkaasi ka badbaaday oo Giriiga la geeyay Ay Shegeen Inay Geeriyoodeen Ku Dhawaad 500 Qof .

q

 

Afhayeenka hay’adda William Splindler ayaa yiri “Ma cadda inta qof ee doonida saarnaa markii ay dagtay, balse goobjoogayaashu waxay sheegeen 500 oo qof oo caruur, haween iyo ragba ah. Tani waa tusaale kale oo muujinaya masiibooyinka maalin kasta ka dhacaya Mediterranean-ka”

UNHCR waxey sheegtay in dadka bad-baaday oo dhan 41 qof ay ka kooban yihiin 37 rag ah, saddex dumar ah iyo ilmo yar oo saddex sano jir ah.

Dadkan ayaa waxaa bad-baadiyay markab ganacsi ah oo gurmad u fidiyay, oo u qaaday dalka Giriigga April 16keedii.  Dadkan la bad-baadiyay ayaa isugu jiray 23 Somali ah, 11 Ethiopian ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay Sudan.

Dadkan ayaa xasuusta inay ka mid ahaayeen 100 ilaa iyo 200 oo qof oo ka soo baxay dalka Libya iyagoo ku sii jeeday dalka Talyaaniga.

Kaddib dhowr saacdood oo ay badda ku jireen, ayaa mukhalasiintii waday, waxay isku dayeen inay ku wareejiyaan markab kale oo weyn oo isagiiba ciir-ciiraya, kaasoo markii danbe badda ku dagay.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in qiyaastii 200 dhalinyaro Somali ah laga yaabay inay inay ku dhinteen musiibadan, iyagoo isku dayayay inay si sharci darra ah ku galaan Yurub.

Musiibadan ayaa ku soo aadeysa sanad guuraddii koowaad ee mid ka mid ah shilalkii ugu dhimashada badnaa ee badda Mideteranian-ka ka dhaca, kaasoo ay ku dhinteen qiyaastii 800 oo muhaajir xeebaha Libya – ka dib markii doonidii ay saaraayeen ay isku dhaceen markab ganacsi oo doonayay inuu badbaadiyo.

150 kun oo muhaajir ayaa Talyaaniga doonyo ku tagay sanadkii 2015kii, kuwaa oo badankood sii maray Libya. Laakiin sanadkan, ilaa iyo hadda waxaa gaaray Talyaaniga muhaajiriin gaaraya 25 kun.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews