berberatoday.com
Magacyada Hooyo Lahayd Uur 7 Bilood Ah Iyo Seygeeda Oo Ku Dhintay Doontii Qaraqantey + Dareenka Xanuunka Leh Ee Ehelladooda
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

“Inanteydu Markay tidhi waan Tahriibayaa, waxaan ku idhi Iska Joog, laakiin way iga dhuumatay, Markaa Dhallinyarada waxaan leeyahay haddaad ogtihiin Goblanka iyo Guryaha Ba’ay..” Hooyada Dhashay Gabadha Iyada iyo Seygeedu Wada Geeriyoodeen

hooyooyin

Burco(Berberatoday.com)-Waalidka iyo Ehelka  Axmed Shuuriye Ibraahim iyo  Kawsar Jaamac Xasan oo ahaa Lamaane is qaba oo ku jiray Dadkii Reer Somaliland ee Toddobaadkii hore Doontu kula degtay Badda u dhexeysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga, ayaa ka warramay dareenkooda, waxayna iyaga oo dhammaantood ilmeynaya sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada soo waajahday Dadka Doontu la degtay, gaar ahaan lamaanaha Is-qabay.

Warka 1-aadCaasha Shuurriye Ibraahim oo ay Walaalo ahaayeen Marxuumka isaga iyo Xaaskiisa oo lahayd Uur 7 Bilood ahi ku wada dhinteen Doonta Dadka badan ku Geeriyoodeen iyo Deeqa Cabdi Shuurriye oo uu Adeer u ahaa, ayaa ka sheekeeyay sida uu ku soo gaadhay Warka sheegaya Geerida Lamaanahan is-qabay “Afar Maalmood buu warkiisu soconayey, oo la lahaa Way nabad tageen iyo Doontii waxay ku xidhatay (Halkay ku socotay), laakiin Xaqiiqadiisa (Geeridiisa) waxaanu helnay Shalay (Doraad). Markaa isaga iyo Xaaskiisuba way tageen (Dhinteen) Gabadhu waxay lahayd Uur 7 bilood ah.” Ayay tidhi Caasha Shuurriye oo aad uga murugeysan Geerida Walaalkeed iyo Xaaskiisa, waxayna intaa ku dartay, “Waxba nooma soo hadhin oo Raggayagii way dhammaadeen, kuwii horena waxay ku dhinteen Dagaal (SNM), Hal Nin baa noo soo hadhay, Shan baa u dhintay Somaliland oo waalla yaqaanaa, markaa aad iyo aad baanu u murugeysannahay Qoys ahaan.”

Deeqa Cabdi Shuurriye oo Marxuum Axmed Shuurriye Ibraahim u ahaa Adeer, ayaa tidhi, “Adeeraday waxay ahaayeen laba Qudha, Midkiina waan waayay oo (Badda ayuu ku dhintay), markaa ma dareenbaa jira waxaan ku dhawaaday inaan Waasho’e..”

Milgo Xasan Yuusuf oo ah Hooyada dhashay Kawsar Jaamac Xasan oo ahayd Xaaska Marxuum Axmed Shuurriye oo labadooduba ku Halligmay Doonta ku degtay Badda u dhexeysa Masar iyo Talyaaniga, ayaa iyaduna sheegtay inay markii hore rumaysan waayeen Warka Geeridooda, “Markii la nagu yidhi Doon baa qaraqantay oo Dad baa ku dhintay, waanu beenaysannay, laakiin Xaqiiqada Dhimashada waxaanu helnay Axaddii, Annaguna waanu ku Qaddar qaadanay, Maaddaama ILAAHAY amarkaa qaatay.” Ayay tidhi, Milgo Xasan Yuusuf oo dhashay Marxuumad Kawsar Jaamac Xasan oo iyada oo leh Uur 7 Blood ah iyada iyo Seygeedu Geeriyoodeen, waxayna Hooyadan oo ilmada iska tireysaa sheegtay in Gabadheeda Dhimatay ay ahayd markii labaad ee ay Tahriibeyso, “Inantaydu mar horena way Tahriibtay, imika  markay tidhi waan Tahriibayaana waxaan ku idhi joog, laakiin way iga dhuumatay, Lacag baanan u diray.”

Hooyo Milgo, waxay farriin u dirtay Dhallinyarada u hanqal-raagaya inay Tahriibaan, “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay haddaad ogtahay Goblanka iyo guryaha Ba’ay haddaad ogtihiin maydaan Tahriibteen.”ayay tidhi.

Khadra Jaamac Xasan oo ay Walaalo ahaayeen Marxuumad Kawsar Jaamac Xasan, ayaa sheegtay in Walaasheed markii hore ku nooleyd Sucuudiga, laakiin ay dhawaan tagtay Itoobiya, uguna sii gudubtay dhanka Masar, “Walaashay markii hore waxay joogi jirtay Sucuudiga, way ka tagtay oo Itoobiya ayay tagtay, haddana way ka tagtay, Nafteeda ayaa wadday oo waataa Doontii ay Raacday la Geddoontay, ILAAHAY samir iyo iimaan ha naga siiyo, Anagga wixii Islaam ahba.”ayay tidhi.

Waalidka iyo Ehelada labadan Marxuum oo ku nool Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa guryahooda ku booqday isla-markaana dareenkooda ka wareystay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews