Tirada Dadka Tahriibayaasha Ee Ka Sii Gudbaya Turkiga Oo Yaraaday
April 21, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Nato ayaa sheegtay inay aad hoos ugu dhacday tirada dadka tahriibayaasha ee ka soo gudbaya badda Aegean ee imanaya Europe tan iyo intii ay bilaabmeen maraakiibtooda ilaalinaysa gobolka.

Shir jiraa’id oo ka dhacay Ankara, xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay xogta ay bixiyaan inuu caawiyay Turkey inay ka hortagto dadka wax tahriibiya.