berberatoday.com
Warbixin-Waa Maxay Sababta Ay Reer Burco Tahriibta Uga Bateen Ee Ay Gobolada Kale Ee Somaliland Uga Bateen
April 21, 2016 - Written by Berbera Today

Khartoum(Berberatoday.com)-Dhawr iyo tobankii sano ee u danbeeyay waxa dhallinyarada somaliland soo waajahay waa cusub oo hayaan ama suudaal ay nafahoodu ku biimaynayaan badaha iyo saxarayaasha ugu kici tima.

Waxa ku nafwaayay kumanaan iyo kumanaan halyay ama haldoor oo dalka usoo kacayay,  kaasoo hadii awooda dhallinyarada  looga faaiidayn lahaa  laga heli lahaa qorsheyaal lagu horumariyo dalka oo  ay ka midho dhalin lahayeen.

Marka laga reebo tacsi iyo hadalo aan macno badan lahayn, maal-qabeenada iyo madaxdeenu ma keenaan  arimo maaro loogu helaayo tahriibka iyo tasawga dhallinteena,  balse markay tooda gaadhaan waxaad mooda inay ugu talo galeen in dalka looga tago.

Hadaba iyadoo dhallinyarada somaliland ay wada aafaysay arinta tahriibtu hadana  meel mawada taagna oo waa ay ku kala tiro badan yihiin gobolada somaliland.

Gobolka togdheer oo ah gobolka ay ku taalo magaaloo madaxda 2aad ee dalku waa Burco oo ah hoyga tahriibta oo dhallinyaradeedu ay habeen iyo maalinba ay raxanraxan uga baxaan iyagoo u sii jeeda dhinaca yurub.

Su’aasha iswaydiinta leh ee meesha taala ayaa ah maxay reer burco uga bataan dhanka tahriibta gobolada kale ?

Hadaba su’aashaas si aan uga jawaabno ayaa weriye madax banaan oo ku sugan wadanka sudan uu arintan u kuur galay islamarkaana uu Shabakada Berberatoday.net/com daaha uga fayday xaqiiqooyin badan.

Dhallinyarada kasoo qulqulaysa Somaliland ayaa inta badan waxa soo jiita niman dhiig miirato ah oo kasoo jeeda gobolka togdheer oo adeegsada xeelado iyo farsamooyin ay qalbiga kaga  xadayaan dhallinyarada  kasoo kicinta Bariga magaalada burco ee togdheer. sida iska cad waxa badanka tahriibta dhalinta reer Somaliland u badan dhalinyarada ka soo jeeda beesha bariga burco ee habarjeclo.

Maxamed Ilkacase waa magafaha Soomaalida ugu wayn ee ku sugan caasimadda Sudan ee khourtoum oo shaqadiisu tahay ka ganacsiga sharcidarrada ah ee dadka. Ninkan ayaa u dhashay Somaliland waxaana uu ka soo jeedaa beesha Habarjeclo-Solo modow. waxaana uu dadka bariga burco degan ku soo jiitaa hanaan qabiileed oo uu ugu sheego in uu u fududaynayo tahriibka oo aanay wax dhib ah la kulmayn.

Maxamed Ilkacase waxa uu si sharci daro ah uga ganacsadaa dadka islamarkaana xarumo ku leh Ethiopia iyo Somaliland waxa kale oo uu xarumo dadka uu ku jidhdilo ku leeyahay magaalo lagu magacaabo Xajar oo 30KM u jirta KHartoum.

celcelis  ahaan Maxamed Ilkacase habeenkii wuxu xuduudka Ethiopia iyo Sudan  u dhexeeya ka gudbiyaa  100 qof oo uu faaiido ahaan ka helo $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar ) waayo halkii qofba waxa u saaran 3000$ (saddex kun oo dollar)

Faaiidooyinkaas oo dhan waxay kasoo baxaan inta ugu badan Somaliland, lacagaha dilaal ahaan ay ajaanibku qaataan aad ayay u yaryihiin balse lacagta ugu badan waxa qaata dilaalinta somalida.

waxaas oo dhami waa dhiigii iyo dheecaankii umadda reer somaliland ee masaakiinta ah. dhibka intaas oo qudha kuma eeka balse waxa ku lamaan halis nafeed oo qofku la kulmi karo dil,dhac iyo kufsi dumarka loo gaysto waxaas oo dhan waxa abaabula Maxamed Ilkacase oo damiirkii iyo dadnimadiiba ay ka dhamaatay .

lama soo koobi karo silsilada iyo wareegta qawlaysata dadka ka ganacsada balse waa inoo kulan danbe.

lasoco……………………… warbixinta danbe

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews