Balan waxan ku qaaday inaan Muuse Biixi Madaxweyne Noqon kamana noqonayo:,: Sidaa waxaa yidhi Abdiaziz Maxamed Samaale oo Warbaahintu wax ka weydiisay inuu la heshiyey Muuse Biixi.
Muuse Biixi xisbiga wuu iigu yimi anigana tacab badan baa iga galay hadii uu Silanyo u hanjabay anigu ma ihi nin hanjabaad ku tegaya mana ilaabin ereyadii quudhsiga ahaa ee Muuse Biixi isticmaalay markaanu tartamaynay.
Waxaan ahay geesi Reer Samatar ah oo Naftu aanay la weynayn sidaada, waxan ahay nin qori caaradii ku dhacsada waxa uu doono ee ma baryootamo sidaada, waxan ahay ninkii ku baday magaca alaybaday reerka aad tahayna waad garanaysaa ee goormaad isku kay dhererisay ereyadaa ayaa ka mid ahaa kuwa aan maskaxdaydu iloobayn ayuu Abdiaziz Samaale ka dhawaajiyey.