berberatoday.com
Qoyska Madaxtooyadda Somaliland Oo Ganacsi Gaadiidka Raaxada Ah Ka Bilaabay Dekedda Berbera Iyo 50 Gaadhi Landcrusser V8 Ah Oo Dekeda Uyaala
April 22, 2016 - Written by Berbera Today

v8Berbera(Berberatoday.com)-Waxa Dekadda Berbera soo gaadhay 50 ka mid ah gawaadhida Land Cruiser V8-ka loo yaqaano oo Model 2016 ah kuwaasoo ay dibadda kala soo dageen Qoyska Madaxtooyada Somaliland gaar ahaan Wiilka Madaxweyne Sodoga uyahay ee Baashe Cawil (Baashe Morgan) iyadoo halka baabuur ee noocan ah lagu iibiyo $80,000 !dollar oo lacagta maraykanka ah.

Qoyska madaxtooyada ayaa mudooyinkan dambe u dhaqqaqay xagga maalgashiga gaarka ah ee dhulka,guryaha iyo meheradaha ka dib markii siday warbaahintu sheegtay  ay hanti farabadan dibadaha ku yeesheen.

Waxana todobaadyadan udanbeeyay soo gaadhay Magaalada Berbera Markab siday shixnad gaadiid ah oo ah nooca loo yaqaano Toyota Land cruiser V8, kuwaasoo Wararka qaar lahaansha gaadiidkan ku xidhiidhiyeen Madaxtooyadda, halka kuwo kalena sheegeyaan in baaburtani tahay kuwo ay gaar u leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxtooyadda. Ma jiro war si dhab ah lahaanshaha gaadiidkan.

Hase-yeeshee xoggaha gaadiidkan la xidhiidha, waxa ay xuseen in Baabuurtan oo ah nooca raaxadda tiradoodu dhan tahay 50 Gaadhi oo ah nooca loo yaqaano Toyota Land Cruiser V8, isla markaana uu sida Markab lagu magacaabo MV RUBY, oo ah nooca Koontiinarada xambaara, waxa kale oo wararku intaa raaciyeen in Baabuurtan oo hadda ku xareysan mid kamid ah Barxadaha Dekeddu leedahay ee dibeda ku yaala, ayaa la filaya sida xoggaha lagu sheegay inuu Dekedda ka saari doono Nin ganacsade ah, oo Madaxtooyaddu u wakiilatay si aan loogu nisbayd lahaanshahooda Madaxtooyadda.
Sidoo kale, waxa wararka intaa raaciyeen  in gaadiidkan uu Dekedda kaga soo bixi doono Cashuur dhaaf, maadaama oo laga leeyahay qasriga dalka looga arrimiyo. Geesta kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidkani yahay mid loogu talo galay in looga faa’ideysto hawlo gaanacsi, oo si toosa iskugu xidhay sayladaha gaadiidka ee Jaban iyo Dekedda Berbera, waxana sida xoggaha lagu sheegay arrintani qayb ka tahay qorshe Waakaladeed ama Wakiilnimo oo si toos ah xubno kamid ah qoyska Madaxtooyaddu uga soo qaateen Dawlada dalka Jaban.
Docda kale, wararku waxa ay intaa ku dareen in shixnadan Toyota Land cruiser V8 ee hadda  soo gaadhay magaalada Berbera ay ka horreeyen gaadiid sidan oo kale kolonyo u ah, kuwaasoo sida la sheegay lagu Iibiyey gudaha Dekedda Berbera.
v8
vb2
Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews