“Balan Baan Idiinku Qaadayaa Inaan Dhawro Sharafta Iyo Karaamada Dawladnimadeena, Dhici Mayso Anigoo Nool Oo Idinka Masuula Inuu Idiin Soo Dhuunto Mid Tuug Ah Xoolihiina Ku Tagrifalayaa Oo Boob Udiyaara”Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal
April 23, 2016 - Written by Berbera Today
Madaxwayne cigaal oo mar ka hadlayay 18 May 1997,kii ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaaa.
“Balan baan idiinku Qaadayaa inaan dhawro sharafta iyo karaamada dawladnimadeena, Dhici mayso anigoo nool oo idinka masuula inuu idiin soo dhuunto mid Tuug ah oo xoolihiina ku tagrifalaya oo boob u diyaara ii soo sheega haday dhacdo inaad aragtaan nin idiin awood sheegtay oo shaadhkii dawladnimadiina idiin adeegsana,
“Haduu ku jiro xukumadayda masuul is leh Xilkaaga ku maxaabso oo hanti ku ururso waxaan leeyahay anigu illaahay iyo Nebigiisii Muhamed ah (CSW) ayuun baan rumaysanahay ee ha ku fikir masuul inaad musuq ku samayso ummad adiga ku aamintay”