berberatoday.com
Musharax Jamaal Cali Xuseen oo Taageeray Xaflad lagu Magacaabayo Xubnaha Xisbiga Ucid Ee Dalka Ingiriiska
April 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-musharax jamal cali xuseen ayaa sheegay inay soo baxeen xubno xumaan wadayaal ah oo munaafaqad iyo isku dir umadda iyo xisbiga ucid kula dhex jira akhri digniin kulul oo uu musharax jamaL soo saaray, “Digniin: Waxaan u sheegayaa taageerayaasha Xisbigga UCID ay beryahan soo baxeen yaryar aan wax awood “.

Digniin: Waxaan u sheegayaa taageerayaasha Xisbigga UCID ay beryahan soo baxeen yaryar aan wax awood sharci, iyo mid xisbi u lahayn in ay yidhaahdaan xisbigga cid baanu ka saarnay ay soo baxeen oo ay nasiib daro kuwii websiteka gacanta ku hayeyna ay qalad u soo geliyeen. Taasi hore ayuu Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbigga Mr. Xasan Sabce hore uga sheegay warbaahinta in ay bilaa sharci yihiin, taasina waa carqaladaha lagu doonayo in Xisbigga lagu minjo xaabiyo in dad weji iska dhigaaya xisbigga ay dano gaar ahaaneed wadaan oo meelo kale looga soo  burburka xisbigga. Inshallah dhawaan ayaa talaabo laga qaadi doonaa maadaama dacwad layskula jiro; cid awood leh in ay cid kale erido Xisbi qaran ma jirto intay waraaq yar meel ku soo qorto ee ka bogsadda; waxaanan halkan ka hanbalyeeynayaa xafladda London lagu qaban doono iyo maamulka halkaasi lagu soo dhisi doono ee uu hormoodka ka yahay mudane Cabdi Cali Qawdhan. Xisbigga dadka waa logu yeedhaa ee weligay maan arag dad yidhaahda Xisbi ayaanu cid ka erinay kuwan ka hortow oo iyagaaba isku markhaati furaaya. Cidna ma eryi karaan ee waxba dheg jalaq haw siinina ee maamuladda magaalooyinka waxa laga soo dhisaa magaalooyinka laftigooda ee cidi meel kale ugama yeedhiso waana sida xisbiyaddu yihiin. Inshallah Xisbigga UCID ee dad lacag meel kale laga soo siiyey ay doonayaan inay lugta qabtaan; inshallah waanu ka nadiifin doonaa xisbigga ee u samra halganka ayeey ka mid tahaye. Intaasina hawlahiina qurbaha magaalooyinka sidooda u wata waananu idinku bogaadinaynaa hawsha balaadhan ee aad xisbigga u haysaan. Ilaahay kheyr haydin siiyo. 
Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews