Wargeyska Indian Ocean Oo Baahiyay In Dawladda Masar Isku Dhufan Gaadhay Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya –
April 23, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisii u dambeeyay qoray in dawladda Masar isku dhufan gaadhay labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya oo uu ka dhexeeyo xidhiidh iskaashi oo dhinacyo badani.

Wargeysku, wuxuu qoray in weftigii dawladda Masar ee uu horkacayay danjire Maxamed Idiris oo horaantii bishan Hargeysa booqasho ku yimid ay la socdeen saraakiil milatari oo ay ka mid ahaayeen kuwa dhinaca badda ahi, waxaanu sheegay in socdaalka weftiga Masar uu dareen geliyay dawladda Itoobiya, taas oo ah ujeedada ugu weyn ee weftigii Masar.