berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Dhalinyarada Reer Berbera Oo Dhayda Ka Cadeeyay Inaanay Wax Taageero Ah Muuse Biixi Iyo Xisbiga Kulmiye Toona Uhaynin,Xubnihii Xalay Kulanka Cashada Ah Qaban Qaabinaayayna Fariin Aadag Udiray
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

dhdhBerbera(Berberatoday.com)-Qaar kamida dhalinyarada Reer Berbera oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa gaashaanka udaruuray kulanka dhicisoobay oo habeenkii xalay ay xubno katirsan Xukumada iyo Xisbiga kulmiye ku qabteen Hutel Alxayaat Berbera, kulankaas oo daarnaa sidii taageero loogu raadin lahaa Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee sida khasabka ah loogu caleema saaray musharaxnimada Xisbigaas oo aan wax kalsooniya loogu haynin Gobolka Saaxil islamarkaana dhawaan aflagaado iyo cayna kula kacay Bulshada kudhaqan Gobolka saaxil kuna tilmaamay tuug dadka kabaha iyo Mobilada kaga xada Bada Berbera Xiliyada loosoo dabaal tago sidoo kalena ku bakhtiiya dadka usoo dabaal taga.iyada oo aan horena taageero iyo kalsooni toona loogu haynin Gobolka Muuse Biixi cabdi ayaa hadana waxa shacabka reer saaxil colaada iyo cadho gaamurtay ku abuurtay hadalkaas milgaha ka fog ee kasoo baxay afka gudoomiye Muuse Biixi oo umuuqday mid uu ula badheedhay shacabka sharafta badan ee Reer Saaxil.

Dhalinyaradan Ayaa sheegay In Aan Maseerkooga Iyo Himilada Ay Leeyihiin Aanay Aan La Iibsanan Karin Iyagoo Tilmaamay In Aanay Matalin Dhalinyaro Gaar Ahi Gobolka Saaxil kulanmkaas xalayna ku tilmaamay mashruuc rag shaqaalaha dawlada iyo Xisbiga Kulmiye ka tirsani soo abaabuleen

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka qaar kamida dhalinyarada Reer Berbera oo dhayda ka Cadeeyay inaanay wax taageero Ah Uhaynin Muuse Biixi Iyo Xisbiga kalsoonidii shacabka Lumiyay ee Kulmiye.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews