Guddiga Ilaalinta Suxufiyiinta CPJ Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay Inay Laasho Dacwadaha Dhanka Ka Ah Saxaafadda
April 25, 2016 - Written by Berbera Today
Newyork(Berberatoday.com)-Guddiga caalamiga ah ee Ilaalinta iyo difaacidda Suxufiyiinta(CPJ) oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay Maamulka Somaliland inay laallaan dhamaan dacwadaha ciqaabta ah ee ka dhanka ah Suxufiyiinta iyo saxaafadda, isla markaana hubaal laga dhigo inay Suxufiyiinta u gudan karaan hawlahooda iyagoo aan wax baqdin ah qabin, caga juglayn loo geysanin.
Nuxurka qoraalkaa guddiga CPJ wuxuu u dhignaa sidan; “ Ugu yaraan saddex saxafi oo ka hawlgala Somaliland ayaa la filayaa in maanta(shalay) la soo taago Maxkamadda Hargeysa, halka Weriye kale la xidhay toddobaadkii hore, iyadoo aan wax dacwad lagu soo oogin.