“Kamaan Bixin Isbahaysiga Dimuqraadidoonka Kulmiye, Sabab Aan Uga Baxaana Meesha Mataalo. Wixii Aanu Saluugnayna
April 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa cadeeyay inaanu ka bixin isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga KULMIYE, isagoo xusay inaanay jirin sabab uu uga baxaa..
Maxamed Biixi, oo ka jawaabayay qoraalo lagu baahiyay qaar ka mid ah mareegaha faafiya wararka Somaliland, ayaa sheegay inuu weli taaganyahay mawqifkiisii hore. Qoraal uu soo saaray wuxuu Maxamed Biixi Yoonis ku yidhi sidan “Dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waan salaamayaa, waxaanan Ilaahay uga baryayaa bash-bash iyo barwaaqo inuu siiyo.
Marka xiga waxa aan beeninayaa warar aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ku soo baxay bar-kulan-nada bulshadu ku wada xidhiidho qaarkood (Social Communication Media Networks).