berberatoday.com
Qaylo Dhaan Musuq Oo Ka Soo Yeedhaysa Mucaawino La Gaadhsiiyey Dadka abaaruhu Saameeyeen ee Caynabo
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

Caynaba(Berberatoday.com)-iyadoo Deegaanka Caynaba e Gobolka saraar Mudooyinkii u danbeeyey xukuumada somaliland iyo Gudida Heer qaran ee abaaraha Qaranku gaadhsiinayeen deeqo Mucaawino ah oo loogu talo galay dadka ay abaaruhu saameeyeen laga soo sheegayay wax isdaba marin iyo Musuqmaasuq Baahsan oo ku aadan Deeqdaasi Dadka Masaakiinta ah loogu talo galay ayaa Mar kale waxaa maalintii shalay Gaadiid Raashin halkaasi gaadhsiiyay Dowlada Somaliland iyo hayado Madaxbanaan Balse waxaa cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Magaalooyin Hoos yimaada Degmada War-Idaad sida Muguca,Food-cadde Iyo Kurwadne.

CaynabaGudoomiyaha Deegaanka Muguca Saleebaan Jaamac Cawad oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Warbaahinta ayaa noo sheegay in mucaawinadaasi aan la soo gaadhsiin ku dhowaad 10 tuulo,isla markaana aan la garanayn  meel la geeyey wixii ay ka deegaan ahaan saami u heleen wuxuuna yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya  “ Walaal waxaa jirta in Tiraba 3 jeer oo gobolka saraar deeqo biyo raashin mucaawino la soo gaadhsiiyay laga qadiyay deegaanka Muguca iyo deegaamo kale oo la hal maala oo ay degan yihiin dad dhibaataysan,alle abaarta hanaga soo jebiyee isla markaana aan kiishna alle haka yeelee waxba la soo gaadhsiinMarkaanu tagnay Caynaba oo raashinka lagu qaybinayayna waxaa Naloo sheegay inaan waxba naloogu talogelin Mana garanayno Sababta “

Sidoo kale Saleebaan Jaamac Cawad waxaa uu intaasi ku daray inay ka deegaan ahaan la kulmeen Gudi abaaro ah oo uu Magcawday gudoomiyaha Gobolka Saraar Kuwaasi oo uu Tibaaxay inay is hor fadhiisteen waxna ka waydiiyeen sababta keentay in dadka Gobolka Saraar ku nool Kuwii jilicsanaa ee Dhinaca saraarta ku noolaa oo oomane ah loo qadiyay isla markaana Raashinkii iyo Biyihiina loogu qaybiyay dhinaca Caynta oo Biyo leh waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka Hadlaya “Gudoomiyaha Gudida Abaaraha caynaba ayaan la kulanay waana ninka la yidhaahdo Maxamed Shire Daqare,ahna gudoomiyaha Shirkada Telesom ee Caynaba,wuxuu nagu yidhi deegamadaasi waxaa dega Reer INDHADEERO,waxaanu ku nidhi miyaanay dadka gobolka ka mid ahayn,ta kale ee iga yaabisay waxay ahayd waxaa meesha ku nool Haduu qabyaalad ka hadlayo Maxamed Shire Ilmaadeeradii oo Baahan oo dadka jilicsan ku jira,walaal hadalka badani ma Fiicna,halkaasi Ayaywax marayaan mana fahmi karo waxa sidan wax ka dhigay,Waayo ilaahay wuxuu yidhi Dhulka isaga Naxariista Samada ayaan idiinka Naxariisanayaaye “Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Saleebaan Jaamac Cawad.

Dhowaan ayay ahayd markii xildhibaanada Golaha deegaanka caynaba ku eedeeyeen Gudoomiyaha Gobolka saraar  inuu samaystay gudi todoba xubnood ah kuwaasi oo u qorsheeyey leexinta hantidadan umada loogu talo Galay isla markaana lacagtaasi ka soo iibiyay 2000 $ oo ay dadka raashin u soo siiyeen, iyadoo aanay haba yaraatee dadka waxba gaadhsiin balse ku wareejiyay Gudoomiyaasha degmooyinka iyo haydhadhka tuulooyinka xukuma

Arintani ayaa markii danbe keentay in ay dadka shacabka ahi gadood ka sameeyaan, balse gudidii loo saaray arinkani ayaa lacagtii biyaha loogu talogalay dib Mar kale usoo siiyay raashin kale

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland gaar ahaaba wasaarada arimaha gudaha iyo gudida Abaaraha ee heer qaran waxba kama aysan qaban Xaaladan Sidoo kalena talaabo lagama qaadin Gudoomiyaha Gobolka saraar iyo ku xigeenkisa Ibrahim jaamac maxamed oo ay ku tilmaameen inay u badheedheen lunsiga habtidan Abaaraha ee gobolka loogu deeqay.

Ugu danbayn Waxaan Isku daynay inaan Arintani lagu eedaynayo wax ka waydiino Gudoomiyaha Gudida abaaraha Gobolka Saraar balse nooma suura gelin Sababo jira Aawadeed.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews