berberatoday.com
Salaxley”Iska Hor-imaad Uu Sababay RIIG Xukuumaddu Geysay Banka Qool-caday Oo Shalay Dhacay, Tirada Askarta Iyo Dadka Rayidka Ah Ee Ku Dhaawacmay
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

“Xagga Booliiska waxa ka dhaawacmay Lix Nin, Xagga Dadka Deegaankana Laba Qof baa ka dhaawacmay…” Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

Qool-caday(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay 8 Ruux baa ku dhaawacmay Dagaal Shalay ka dhacay Banka Qool-caday oo Ka tirsan Deegaanka Degmada Sallaxley ee Gobolka Hawd ee Somaliland.

Iska Hor-imaadka oo dhex maray Dadka Deggan Banka Qool-caday iyo Ciidammo Booliis ah oo Xukuumaddu halkaasi geysay, ayaa waxa ku dhaawacmay Lix Askari oo Booliis ah iyo Laba Qof oo ka mid ah dadka Deegaanka ee Iska Hor-imaadka la galay Booliiska.

Warka 2-aadWasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isaga iyo Taliyaha Booliisku halkaau joogaan daminta Shaqaadadaasi, ayaa sheegay in Dadka Deegaanka Qool-caday ay Iska hor-imaad kala hor-tageen Ciidammada Ammaanka, iyaga buu yidhi Qalad fahamsan hawsha Xukuumaddu ka waddo Banka Qool-caday.

“Dhanxiir Dadka ku dhex jira, ayaa si kale ugu warramay Dada Deegaanka, dabadeedna waxa halkaa ka dhacay Iska Hor-imaad dhex maray Dadka Deegaanka Qool-caday ah iyo Ciidammada Booliiska.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Telefiishanka Star, waxaanu intaa ku daray in Dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare badan isla-markaana labadan dhinacba Dad ka dhaawacmeen, “Xagga Booliiska waxa ka dhaawacmay Lix Nin, Xagga Dadka Deegaankana Laba Qof baa ka dhaawacmay.”ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirku.

Iska Hor-imaadka Ciidammada Booliiska iyo Dadka deegaanka, ayaa isla Shalayba la damiyey, ka dib markii ay halkaa gaadheen waxgarad uu ka mid yahay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxaana illaa Xalay Waxgaradka Deegaanka iyo Xubno Xukuumadda ka socdaa u fadhiyeen Xallinta Arrintan, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha guduhu, “Imika (Xalay) Meesha ayaanu joognaa oo wax dhibaato ahi kama jiraan, waxaanuna u fadhinaa sidii Dadka Qaladka la fahamsiiyey aanu u sheegno siday wax u jiraan.”ayuu yidhi,

Xukuumadda, ayaa doonaysa inay Banka Qool-caday ka dhigto Seero xidhan oo lagu naaxiyo Xoolaha isla-markaana Dadka deegaanka ee taageersan Qorshaheeda ku wareejisay Riig la doonayo in halkaa Biyo lagaga soo saaro, hasa-ahaatee Dadka Deegaanka ee diiddan, ayaa Shalay markii la isku dayey in Riigga halkaa laga taago la dagaalamay Ciidammada Booliiska ah ee Xukuumaddu halkaa geysay.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews