berberatoday.com
Wasiir Kuxigeen Katirsan Xukumada Siilanyo Oo Ku Dhawaaqay Inuu Busaarad Iyo Wax La.aan Kala Kulmay Xilkii Loo Magacaabay
April 25, 2016 - Written by Berbera Today

“Waxaan Xukuumadda Ku Soo Biiray Anigoo Jago [Balloodh] Ku Leh Magaallada, Jagadiina Intaan Wasiirka Ahaa Ayaan Iibiyey, Markaa In Tuug Aad Nagu Sheegtaan…….”Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada

“Waxaan Xasuustaa Mar Aan 2008-dii Imtixaan U Galay Shaqo Hay’ad Caalami Ah In Wasiir Xukuumaddii UDUB Ka Mid Ahi Uu Si Badheedh Ah Iiga Joojiyey Oo Uu Yidhi…..”

garas

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuurriyada Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa  shacbiga Somaliland  gaar ahaanna inta ku jirta saaxadda siyaasadda [mucaaridka] ugu baaqay in aan la caadaysan hadallada meel ka dhaca ku ah milgaha iyo xasaannada qaranku huwiyey masuuliyiinta xilalka u haya bulshada. Wasiir Garas oo khudbad ka jeediyey dorraad xaflad loogu baroordiiqayay dhalinyaradii ku halligantay badda ayaa dhalinyarada ku hogatusaaleeyey waxyaabaha ay ku xilan karaan cidda ay masiirkooda iyo codkooda ku aaminayaan, isaga oo u soo jeediyey in aanay codkooda iyo cuddooda ku dabaqin qabyaallada iyo qolo toona balse ay ku xidhaan shuruuda odhanaysa cidda barnaamijkeeda ku darsata wax u qabashada da’ yarta “Marka hore waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba qaranka Somaliland, geerida tiiraanyada leh ee aynu ku weynay dhalinyartaa faraha badan ee reer Somaliland ee ku qarraqmay badweynta,  qofku  xilliga uu dhimanayo ha qornaato laakiin sababta ayaa ahayd mid aad iyo aad u fool xumayd, iyagana waxaan uga baryaynaa in uu illaahay naxariistii janno ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan saadiq ah innaga siiyo” sidaa ayu yidhi Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo sabtidii dorraad khudbad ka jeediyey madal loogu baroor diiqayay dhalinyaradii doonnidu kula gedoontay badweynta ee reer Somaliland u badnaa, waxaanu intaa kudaray Wasiir Garas hadalkiisa “run ahaan ujeedada madashan oo kale ma ah in ay noqoto mid aad iyo aad loogu yooyootamo,  laakiin waxa ay ahayd inaynu xaqiiqada taabano, midna waa iga dardaaran oo arrimaha qaarkood baa ah kuwo heer qaran ah kuwaas oo aynu mucaarid iyo muxaafidba u baahanay in si wada jir ah  oo bilaa caadifad ah looga dooodo, taasoo aynu iska weydiinayno waa maxay sababtu iyo muxuu xalku noqon karaa, yaase sababay, maxayse u dhacday”. Wasiir Yuusuf Garas waxaa isaga oo khudbadiisa sii wata uu carrabka ku dhuftay ereyo laaqi ah oo uu sheegay in masuuliyiintii madasha ka hadashay badankoodu ay ku tiraabayeen kuwaas oo maamuus ahaan iyo qaran ahaanba aan ku haboonayn in lagu xajiimeeyo madaxda qaranka, “Ma xuma marka arrimahan sidooda looga doodayo laakiin sida ka muuqatay hadalladii halkan laga jeediyey  oo xubnihii hadlay intooda badani ay adeegsanayeen ereyada ‘Tuug’ iyo kuwo kale oo aad u fool xun kuwaas oo aan masuuliyiinta qaranka u qalmin in lagu sunto . mid baanse idiin sheegayaa walaalayaal oo anigu waxaan xukuumada ku soo biiray sanadkii 2013-kii, xilligaas waxaan magaalada ku lahaa hal jago oo wallaahi aan iibsaday intii aanan xukuumada kamid noqone ee aan hay’adaha u shaqaynayay, jagadaasna waxaan iibiyey intaan xukuumadda ku jiray de emarkaa haddii aad tuug iyo waxyaabahaasi nagu sheegtaan waa ayaan darro, waxaase wax waliba ku fiican yihiin in dhaliisha jirta la taabto”. Ayuu yidhi wasiir ku xigeenku.

Gebogabadii hadalkiisa waxaa uu dhalinyarada reer Somaliland  u soo jeediyey tallooyin wax ku oolah kuwaas oo nuxurkoodu taabanayay horumarkooda, iyo cidda ay hoggaanka dalka u dooranayaan “waxaan dhalinyarta kula talinayaa in aad wax ku doorataan madaxtinimada iyo hoggaaminta marka ay noqoto ama xisbi aad ku doorataan marka uu idiinla yimaado barnaamij dhalinyarta wax u tari kara oo qiimo leh, haddii ay xisbiyada mucaaridku la yimaadaan barnaamijyo qiimo leh oo ka wanaagsan ka ay xukuumaddu wado doorta,  waxaase Hubaal ah inaan xukuumadda hadda joogta iyo xusbiga KULMIYE intii qarankani jiray ee 25 sanno ahayd aanay dhalinyarta inta loo qabtay dawlad ka horaysay u qaban. Anigu 2008-dii mar aan imtixaan u galay hay’ad Caalami ah oo dalka degenayd taasoo  xayaysiisay booskeedu ahaa Hargeysa iyo Garoowe ama Somaliland iyo Puntland  waxaan xasuus taa in imtixaankii aan shaqaad u galay uu wasiir ka mid ahaa wasiirradii xukuumaddii UDUB si badheedh ah iiga joojiyey  oo uu yidhi hay’addo shaqo kuma siin karto, mana gali kartid oo ay hay’addiina sidaas dalka kaga guurtay. Waxyaabahaasi waxaa ay kamid ahaayeen waxyaabaha laga hawl galay ee ay xukuumaddani bedeshay” ayuu yidhi

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews