Baydhabo: Lix Is-qarxiyayaal Ah Oo Isku Qarxay Iyo Khasaarihii Ka Dhashay
April 26, 2016 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidamada Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa shalay fashiliyay qaraxyo la doonaayay in weeraro loogu gaysto Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Ciidamada, ayaa waxay isu gadaameen guryo ku yaalla inta u dhaxayso wadada isku xidha magaalooyinka Baydhabo & Buurhakaba, gaar ahaan deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan nimankii weerarada ku diyaarinaayay guryahaasi, waxayna ka biyo diideen inay sharciga isku soo dhiibaan.
Sidoo kale, illaa sagaal nin oo guryahaa ku sugnaa ayaa waxay dagaal kala horyimaadeen ciidanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo markii ay rasaasta ka dhamaatayna ay lix nin oo ka mid ahaa isqarxiyeen, halka nolosha lagu soo qabtay saddexdii kale. Ciidanka, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas, iyagoo u soo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo.