Dawladaha Somaliland, Somaliya Iyo Turkiga Oo Isla Qaatay Wakhtiga La Bilaabayo Wada Hadalada Hargeysa
April 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Somaliland, Somaliya iyo Turkiga, ayaa isla qaatay in bisha dambe ee bay si rasmi ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya oo muddo hakad galay.
![soamlaiand iyo somaliya](http://baligubadlemedia.com/bgm/wp-content/uploads/2016/04/soamlaiand-iyo-somaliya.jpg)
Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dawladda Turkiga oo ku dedaalaysa inay wada hadaladu dib u furmaan, ayaa wasiirka khaarajiga Somaliland Sacad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa waxay ku qancisay inay isla cayimaan wakhti uu wada hadalku dib u bilaabmo, waxaana dood iyo wada hadal dheer ka dib ay saddexda dawladood isla qaateen in wada hadaladu qabsoomaan 30-ka iyo 31-ka bisha dambe ee May, iyagoo ka qabsoomi doona magaalada Isntabul ee dalkaas Turkiga.