berberatoday.com
Dawladaha Somaliland, Somaliya Iyo Turkiga Oo Isla Qaatay Wakhtiga La Bilaabayo Wada Hadalada Hargeysa
April 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladaha Somaliland, Somaliya iyo Turkiga, ayaa isla qaatay in bisha dambe ee bay si rasmi ah loo bilaabo wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya oo muddo hakad galay.

soamlaiand iyo somaliya

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, dawladda Turkiga oo ku  dedaalaysa inay wada hadaladu dib u furmaan, ayaa wasiirka khaarajiga Somaliland Sacad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Odawaa waxay ku qancisay inay isla cayimaan wakhti uu wada hadalku dib u bilaabmo, waxaana dood iyo wada hadal dheer ka dib ay saddexda dawladood isla qaateen in wada hadaladu qabsoomaan 30-ka  iyo 31-ka bisha dambe ee May, iyagoo ka qabsoomi doona magaalada Isntabul ee dalkaas Turkiga.

Ma jiro wax war ah oo ay jadwalkan cusub ka soo saareen saddexda dawladood midkoodna.  Hase yeeshee wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo wasiir Sacad ku weheliyay safarka Turkiga, ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay inay Turkiga ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada, “Geeska kale Aniga, iyo Wasiir Sacad waxaanu ka soo laabanay, wadanka Turkiga halkaas oo aan kula Kulanay madaxda Wasaaradda khaalajiga oo aanu kala hadalnay sidii xidhiidhka labada dhinac kor loogu qaadi lahaa, sidoo kalena dib loogu bilaabi lahaa Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya gogol xaadhna loogu samayn lahaa wadahadaladaasi.” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada oo aan cadayn in si rasmi ah la isula qaatay in wada hadaladu bilaabmaan iyo haddii la isla gartayba wakhtiga loo qoondeeyay.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa joogsaday ka dib markii ay dawladda Somaliya wufuuda wada hadalka ku soo dartay dad ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya dawladda Somaliya, waxaanay dawladda Somaliland wakhtigaas sheegtay inaanay wada hadalada dib ugu noqon doonin ilaa laga saaro ergada Somaliland ka soo jeeda islamarkaana wada hadalka lagu soo daro dawlado kale oo ka qayb gala.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews