Inuu mudanihii Cali dhaluu, muuno ku lahaaye. • Muskuu Faysal galay arlada, kama miciin moodo. • Masallaha ninkaan ii dhigayn, midig ma saaraayo • Kii aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho. • Muslimna kuma cabiidsamo wallaan, madaxa kaa goyne• Miyir waxaad ku waydona iswaal, kuma mihiibaysid. (Ilaahay ha u naxariisto Saahid qamaan Cali, raali nna ha iga ahaado – gabaygiisii “Sinaan” ayaa aan yar maydhamay, ma se fogaynin)
Waraysi aan siiyay Horn Cable TV, oo studio gooda London lagu qabtay ayaa xalay la sii daayay. Warysiga oo ah 30 daqiiqo, dhawr maalmood ka hor ayaa qayb yar oo ka mid ah, (4 daqiiqo), hor dhac ahaan loo sii daayay, laakiin imika isagii oo dhan weeyaan. Xisbiga UCID iyo xaalkiisa haatan, iyo xagga uu u socdo ayaa aan falanqeeyay. Xajiintu meesha ay ka imanayso iyo, waxa xalku yahay ayaa aan hoosta ka xariiqay. Maan rag (dad), waa mudacyo afkood, aniga sida ay ila tahay, iyo waxa aan ogahay, oo wax badan na aan waliba dhaafay, ayaa aan ka hadlay. Aloow eex ma tiraabin ee aqoon darro ha ii qaban.
• Hadba waxaa mudh soo odhan adduun, mid aan la eegayne.