berberatoday.com
Safaaradaha Ingiriiska Ee Addis Ababa Iyo Nairobi Oo Fiisihii Dal Ku Galka Dalkaaasi U Diiday Gudoomiye Muuse Biixi
April 26, 2016 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Safaarada Dalka ingiriisku ku leeyahay magaalooyinka Addis Abab  iyo Nairobi ayaa waxaa ay fiisihii dal ku galka   u diideen  in ay siyaan  gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi .

muuse s

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa uu mudooyinkii u danbeeyey uu ku sugnaa magaalada Addis-Ababa oo uu kaga qeyb galay xuska dhalashada  boqorada dalkaasi waxaana halkaasi ugu yimid wafti wasiir ah oo ka yimida dalka turkiga kuwaas oo kala ah wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo wasiirka arimaha dibada Sacad Cali Shire.

Wasiirada  oo uu weheliyo gudoomiye Muuse Biixi ayaa waxaa ay ka codsadeen safaarada dalka ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa in ay fiisaha dal ku galka siyaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo dhawr qof oo kale oo safarka ku wehelin lahaa  kuwaas  oo rabay in xuska 18 May ay kaga qeyb galaan magaalooyinka dalkaasi ee ay joogan qurbo jooga rer Somaliland .

Safaarada  Ingiriiska ee magaalada Addis-Ababa ayaa waxaa ay si cad ugu sheegtay wasiirada iyo gudoomiye Muuse Biixi in aanay hada diyaar u ahayen in ay fisayaasha bixiso kuwaas oo ay sheegtay  safaaradu in ay codsiga la soo habsaameen.

Waftigan wasiirada ah iyo Gudoomiyuhu kumay qancin hadalka ka soo baxay safaarada dalka Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis-Ababa waxaana ay safar ugu holadeen safaarada dalka ingiriisku ku leeyahay  Magaalada Nairobi ee dalka Kenya taas oo ay  hor dhigeen codsi kii hore la  mid ah .

Safaarada Nairobi uu ku leeyahay dalka Ingiriisku ayaa waxaa ay si la mid ah jaaabtii ay bixisay safaarda Addis-Ababa  ay siisay waftiga taas oo waji gabax ku noqotey waftiga .

Waftigan iyo gudoomiye Muuse Biixi ayaa la filayaa in ay maalinta Khamiista ah ay dalka dib ugu soo laabtaan isaga Muuse Biixi cabdi Ku soo hungoobay safarkii uu ku tagi lahaa Dalka ingiriiska.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews