Sheeko na dhex martay Aniga iyo Hooyo raadinaysa Caruurteedda Aabahood W/Q Barkhad-ladiif Mohamed Omar
Waa Hooyo ilma yarna xambaarsan mid kalena daadihinaysa, waxay igaga soo hor baxday badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxay I waydiisay saldhiga dhexe halka uu yaalla, iyadoo duruufta ku gadaaman iyo waayaha nololeed ee guud keedda ka muuqda tilmaamayo waayaha nololeed ee ay ku jirto iyo sida ay ula daranyeysan tahay koriinka caruurteedda.
“walaalo saldhiga dhexe halkuu ku yaalla”ayey igu tidhi, markii aan wejigeedda halacsaday, waxaan dareemay murugadda ka muuqda iyo qofka ay raadinayso sida ay uga war warsan tahay, waxaana markiiba si deg deg ah ugu tilmaamay halka uu ku yaalo.
Haseyeeshee, waxay ii raaxaysay “halkan (saldhiga news Hargeysa) ayaa lagu xidhi jirey barigii hore ee mooyi halkaasi (saldhiga dhexe ee Hargeysa) waxay kalla dooneen”.
Waxaan waydiiyey qofka xidhan ee ay raadinayso wuxuu yahay, maadaama oo halka ay joogta iyo halka aan u tilmaamay ay kala durugsan yihiin, wakhti duhur ahna lagu jiro, isla markaana ilmana dhabarka u saaran yahay, mid kalana daadahaynayso, iyada qudheeduna iska itaal daran tahay.
“waa caruurtan aabahood oo awal hore uun lagu xidhi jirey saldhigan noo dhow, ee imika waxay meeshaas fog kala dooneen, halkan baanu kaga war hayni jirnee ”ayey igu celisay.
Markiiiba gartay ninka ay raadinaysa inuu yahay aabo ka saaqiday reerkiisa oo wehel u noqday saldhiga iyo xadhig, maadama oo hadalkeeda ka dhandhansaday in mar walba la xidhi jirey, oo caado u ahayd xadhiga, balse maanta uun laga fogeeyey halka lagu xidhi jirey, taas oo ay dhibaysay meesha fog ee lagu xidhay.
Waa masiibo ku habsatay inna Rag oo dhan, waa masuuliyad uu dayacay ninkii laga filayey inuu caruurta iyo iyada masuul ka ahaa, waa hooyo intay hawshii caruurteeda, biilintoodda ka adkaatay waliba isagii raadinaysa !!!!!!.
Anigoo ka naxsan hooyadan dhibaataysan ayaan ku yidhi “ Dee haddii awal la xidhi jirey oo aad ku taqaanay maxaad ka raadin marka la soo daayo uun maad aragtid ”.
Balse waxay igu jawaabtay “dee ma soo deyn karee, waxaan doonaya inaan soo hubsado uun halka uu ku xidhan yahay”, iyaddu waxay gudanaysa waajibkii xaajigeedu ku lahaa inay ka war hayso, balse isagu wuxuu u eegyahay aabo qoyskiisii dayacay.
Samanka aynu ku jirna waa wakhti adag oo raggii masuuliyadoodii dayaceen, badh-n iska qayilayaan, qaar kalana ku foogan yihiin danno aanay waxba ugu jirin, isagoo laga yaabo inuu waliba hooyadaasi rafaadsan uu dilmo iyo hadal xun ugu daro, haseyeeshee sheekadda na dhex martay hooyadani waxay qalbigayga ku reebtay xusuus gaar ah, iyadda hooyooyinkii ula wareegeen hawlihii ragga iyo kuwoogiiba.
Waxa taas markhaati aan la dafiri Karin u ah, haddii aad shanta subaxnimo soo kacdid dadka kaa soo hor baxaya waxay u badan yihiin hooyooyin kalahaya, oo mid walba caruurteedda wixii ay cuni lahaayeen iyo waxay ku noolaan lahaayeen u guclaynaysa, way yar yihiin wakhtigaasi ragga socda, waa wakhti niskii dambe ah oo habeenimo ah waxa baqdintii dumarka lagu yaqaanay ka saartay welwelka caruurteeda iyo inay biilkii ay ku noolaan lahaayeen usoo saarto ayaa ilowsiisay, wixii la odhan jirey cabsidda, waxa laga yaabaa in raggii qabay ay wakhtigaasi hurdaan, halka ay ahayd inay kaxeeyaan oo ay wehel u noqdaan si ay ugu dhiiradaan shaqadan ay u hayso qoyskeedda, oo iyaduna u arki lahayd in loo ogyahay hawsha ay u jirto, bal ugu yaraan waxay ahayd inuu ka ilaaliyo inay waxyeelo ka soo gaadho tuugta iyo bahaladda ay saqda dhexe dhex marayso.
Si kastaba wax ha u jiraanne, deegaanada Soomaalidda uun baa laga helaa, Aabo hurda iyo hooyo rafaadsan oo la lugdamaysa biilka reerku ku noolaan lahaa.