berberatoday.com
Dilalka Kuwa DAACISH U Ekaa Ee Dalka Maraykan Ka Dhacay Balse Aan Laga Warramin Waxa soo ururiyey Kamaal A. Cali
April 27, 2016 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.net)-Warbaahinta maanta marka laga maqlo cid si ka baxsan bani’aadamnimada loo dilay waxa ugu horreeya ee qofku xasuustaa waa ururrada lala xidhiidhiyo Islaamka ee lagu magacaabo xag-jirka, gaar ahaan ururka DAACISH oo si weyn loogu xasuusto duuliyihii u dhashay dalka Urdun Mucaad Kasaabah oo nolosha ay ku gubeen, kadib markii diyaarad uu duulinayey oo DAACISH Suuriya ku rushaynaysay ay soo dhacday.
Waxa uu ahaa fal cid kasta oo maqasha ama daawatay meel kasta oo ay dunida ka joogto iyo diin kasta oo ay haysataba ku abuuray jidhidhico, waxaana lagu tilmaamay fal bahalnimo ah iyo wax aan dunida ka dhicin, dadyow badan ayaana u qaatay taariikh ku kooban ururrada Islaamka ku abtirsada.
Laakiin runtu waxa ay tahay in ficillada noocan ahi aanay ku koobnayn DAACISH iyo dilkii duuliyahaas balse ay maalin kasta ka dhacaan dunida maanta, sida dalalka Burma iyo Afrikada Dhexe (Central Africa) oo muslimiinta nolosha lagu gubo, Falastiin oo uu u dambeeyey wiilkii yaraa ee Yuhuuddu gurigiisa ku gubtay, Masar iyo Suuriya, balse farqiga keliya ee u dhexeeya falkaa hore iyo kuwan danbe ayaa ah warbaahinta oo falkaas DAACISH si yaab leh oo badheedh ah u buunbuunisay, kuwan dambana aan sidaas uga warramin.
Dhinaca kalana warbixin arrintan ka hadlaysa oo ay baahisay shabakadda Akhbaarak iyo qormo dareenka taabanaysa oo uu qoraaga Kariim Majdi arrintan kaga hadlay iyo mawduucyo kale oo la xidhiidha oo aan dib u akhriyey waxaa iga soo baxay in DAACISH aanu ahayn kii ugu horreeyey ee nolosha cid ku gubay dunidan maanta, balse ay jiraan ummado lagu tiriyo ilbax iyo horumar dhinaca dhaqaalaha ama bani’aadamnimada ah oo ficilkan foosha xun oo kale ka dhaceen ha noqoto xilligii ay soo hayeen jidka ay u soo mareen halka ay maanta joogaan, ama waqtigan xaadirka ah. Waxa aan si gaar ah isu dul taagay taariikhda dalka Maraykanka oo ahaa cidda ugu badan ee ficilladan foosha xun Islaamka ku xidhiidhisa, waxa aana ii soo baxday in waqtiyada qaar lagu qaban jiray xaflado loogu dabbaaldegayo daawashada dadka caddaanka ah ee sida foosha xun u ciqaabaya ama nolosha ku gubaya dadka madow ee aan waxba galabsan, badankooduna ahaa ama ka soo jeeday dad iyaga oo dhulkoodii nabad ku joogay qasab dad caddaan ahi ku soo dhoofsadeen si ay muruqooda uga faa’idaystaan, haddana markii dambe sidan ay u galeen. Sawirrada ugu faafitaanka badan uguna caansanaa ee Maraykanka lagu xusuusto qarnigii 19aad illaa bilowgii qarnigii 20aad ayaana ahaa maydadka sida dhuxusha u gubtay iyo hilbaha bislaaday ee dadka madowga ah iyo weliba xubnaha bani’aadama ee la kala iibsanayo si xusuus loogu haysto.
Waxa aan qormadan ku soo koobayaa afar dhacdo oo ka mid ah ficilladaas foosha xun:
1. Sam Hose: Dhibbanihii beenta warbaahintu galaafatay:
Warbaahinta Maraykan, gaar ahaan goballada dhinaca Koonfureed waxa ay caan ku ahayd baahinta warar colaad iyo qas abuur ah oo la buunbuuniyo, gaar ahaan marka ay wax ka sheegayso dembi lagu tuhmayo dadka madowga ah. Waxaa mar dhacday in wargeys ka soo baxa deegaannadani uu si aad ah u buunbuuniyey muran dhex maray nin madow ahaa oo lagu magacaabi jiray Sam Hose iyo ninkii madaxda u ahaa oo caddaan ahaa. Murankii Hose iyo maamulihiisa dhex maray oo shaqada uun ku koobnaa waxa uu wargeysku gaadhsiiyey in Hose uu isku dayey in uu kurfsado xaaska ninkan cad, warkaas oo been ahaa.
Dad caddaan ah oo u arkay in ay arrintani kibir jab ku tahay ayaa inta ay isa soo urursadeen soo raadsaday miskiinkii madowga ahaa ee Sam Hose. Waxaa la sheegaa in dadkan caddaanka ahi aanay ahayn kuwii degmada la deggenaa oo keliya, balse ay xitaa ku jireen 2 kun oo magaalooyin ay Atlanta ka mid tahay tareen uga soo raacay in ay soo ciqaabaan ninkaas madow ee sharafta caddaanka wasakhaynaya sida ay u arkayeen.
Ninkii madoobaa ayaa la soo qabtay, oo meel fagaare ah ay ku saareen maxkamad shacbi ah iyada oo dawladduna aanay arrintaas waxba ka qaban. Sam Hose waxa uu goobtan dadkii caddaanka ahaa uga sheegay in aanu habayaraato ee qabin dembiga lagu eedaynayo, laakiin rag diyaar u ahaa ciqaabtiisa ayaa si uu qasab ugu qirto waxa ay jareen labada dhegood, taas oo uu naf mooday in uu dembi aanu lahayn xambaarto, xitaa qirashadii kadib cidi uma ay joojin ee Sam Hose waxaa laga bixiyey dharkii oo dhan, waxaana isla goobtii isaga oo xidh-xidhan laga jaray Tobanka farood, xubinta taranka iyo markii dambe oo wejigiisa saanta laga saaray, markaa kadib isaga oo weli nafi ku jirto inta ay geed weyn silsilado ugu xidhxidheen ayaa ay dab qabadsiiyeen.
Waxa ay taariikhdu Sheegaysaa in Sam Hose xubnihii laga jaray inta la yar-yareeyey laga iibiyey dadkii caddaanka ahaa ee maalintaas nasiibka u yeelan waayey in ay ku soo raaxaystaan daawadashada miskiinkan la ciqaabay, si ay ugu ciil baxaan aragtida hilbihiisan.
Dhacadan ay Maraykanka caddaanka ahi ku dileen Sam Hose waxa ay ka mid tahay dilalka bahalnimada ah ee taariikhda aadamaha soo maray kuwa ugu foosha xumaa, laakiin aalaaba taariikhdu ma’ xusto oo cidda ficilkaas samaysay waxa ay yeelatay awood dunida ay ku aamusiin karto iyo dhaqaale u suurtogeliyey in ay taariikhda dib u qorto oo inta dahabiga ah uun dadka dunida ay barto.
2. Jesse Washington: Marka xubno aadame loo iibsado in laga dhigto xusuus guryaha la dhigto-
Dad lagu qiyaasay Toban kun oo ruux oo rag, dumar iyo carruurba isugu jira, mid kastaana gacanta ku sito wixii uu faro-laab ka dhigan karayey ayaa isugu soo ururay qol yar oo ahaa maxkamadda magaalada Waco ee gobolka Texas, mid kastaa waxa uu u ordayey in uu wax uun ka gaadho sharafta lagu helayo dilka ninkan madowga ah. Sidii Sam Hose ayaa Jesse loogu marmarsooday beenta ah in uu faro-xumeeyey xaaska ninkii uu beerta u qodi jiray. Kadib inta saldhigga booliiska la geeyey ayaa ciqaab adag la mariyey si uu dembiga u qirto. Warqad qiraal ah ayaa uu Taliyuhu ninkan madow ka qoray waxa aanu u gudbiyey maxkamadda oo uu garsoorihii markiiba hal-fadhi oo keliya ku xukumay dil.
Xad-gudubka iyo arxan darrada Jesse Washington uu kala kulmay saldhigga booliiska iyo maxkamadda degmada waxaa kaga sii darnaa maxkamaddii oo fulinta xukunka ku wareejisay dadkii gadoodsanaa ee goobta yimid.
Jesse qoorta ayaa silsilad loogu soo xidhay kadib shaaraca ayaa isaga oo la hoggaaminayo la soo mariyey, qof kastaana waxa uu helo ayaa uu la tiigsanayey si uu u qaato sharafta in uu gacantiisa nabar ku gaadhsiiyo ninkaas madowga ah.
Isaga oo dhiigga ka hooray jidhkiisa oo dhan qariyey ayaa la keenay geed jirrid weyn oo magaalada badhtankeeda ah, xaabo iyo wax kasta oo dhaqso u guban kara inta la soo ururiyey ayaana oog weyn laga hoos shiday geedkii isagana silsiladdii oo qaarka hore kaga xidhan laan sare oo dabka dushiisa ah laga soo laalaadiyey. Marka uu holacu gaadho ee cabbaar jidhkiisa uu dubo ayaa haddana ay kor uga jiidayeen silsiladda, markaasaa isaga oo weli sidii u cabaadaya ay mar kale ku soo dhaadhicinayeen iyada oo ujeedadoodu tahay in aanay naftu dhaqso u dhaafin. Laba saac kadib ayaa aanu qudh baxay Jesse.
Intaa kama ay hadhin caddaankii Maraykan, ee maydkiisa oo sida dhuxushay u madoobaaday inta ay suuqa magaalada keeneen ayaa dadka caddaanka ah xubin xubin looga iibiyey, isaga oo qof kastaa doonaya in uu gurigiisa xusuus ahaan u dhigto, si uu ugu ciil baxo ciqaabta loo geystay madowgaas. Intii u dambaysay ayaana goor galab ah xabaal bilaash lagu riday.
Labada arrimood ee xanuunka qisadan sii kordhinaya ayaa ah in masuuliyiintii dawladda Maraykan ee deegaankan, sida saraakiishii booliiska oo uu ku jiro taliyihii saldhigga degmada, guddoomiyihii maxkamadda degmada iyo weliba xeer-ilaaliyiihi ay ka mid ahaayeen dadka daawanayey falkan lagula kacay Jesse Washington oo aanay haba-yaraato ee sharciga dhawrin, damiirkooduna ka nixin. Waxa ka sii daran in baadhis dheer oo dilkan kadib la sameeyey lagu xaqiijiyey in Jesse aanu wax dembi ah gelin, taliyaha booliiskuna uu qasab iyo ciqaab dembigan ku qirsiiyey, garsooruhuna caddayn aan buuxun xukunka ku riday iyada oo ujeedadu tahay keliya guddoomiyaha degmada oo ka cabsi qabay haddii aan Jesse sidaa loo gelin in dadka caddaanka ahi aanay mar dambe soo dooran doonin.
3. Laura iyo wiilkeedii – Kufsi iyo daldalaad:
Laura iyo wiilkeeda ayaa sifo sharciga baalmarsan loogu dilay gobalka Oklahoma ee dalka Maraykanka bishii Shanaad ee sannadkii 1911kii, kadib markii lagu eedeeyey in ay galeen dhagar dil ah.
Laura iyo wiilkeeda ayaa maxkamadda loo soo gudbiyey kadib markii booliisku uu ku soo oogay dacwad ah in ay dil qof caddaan ah geysteen, kadib waxaa lagu xidhay qol ka mid ahaa maxkamadda oo ku dhegsanaa qolkii dacwadda lagu qaadi lahaa, si halkaas loogu hayo inta xukun maxkamadeed lagu ridayo. Nasiibdarro isla maalintii labaadba Afrtan qof ayaa xoog ku galay qolkii, waxa aanay la baxeen Laura iyo wiilkeedii, inta ay kaxaysteen iyada oo aanay dawladdu ka daba-tagin ayaa ay kufsi wadareed kula kaceen Laura, kadibna iyada iyo wiilkeedaba dil daldalaad ah ay ku khaarajiyeen. Laura iyo wiilkeeda waxaa lagu daldalay biriishka ugu joogga dheer ee dulka mara webiga Kanda ee woqooyiga.
Dad goobjoog ahaa ayaa caddeeyey in maalintii dilka ku xigtay ay maydkii labada ruux oo weli soo deldalan ku soo urureen sawir-qaadayaal, sawirradii ay qaadeenna waxa ay ka dhigeen kaadhadhka farriimaha gaagaaban lagu qoro ee boosta la isugu diro (Boos-kaadho). Sida taariikhdu caddaynayso wax ciqaab ah ama xitaa dacwad ah laguma qaadin dadkii falkan geystay oo la garanayey si fududna loo soo heli karayey. Iskaba daa ciqaab la mariyo ee dadkii falkan geystay qaarkood ayaa ku faani jiray oo allifay heesho faan ah oo dhacdadan ka hadlaya, fagaarayaalna ka qaadi jiray.
4. Dilal wadareedkii aargoosiga:
Marka laga tago dilalka sida saddexda aynu ka soo warannay ahaa ee ka dhacay Maraykanka, waxaa iyaguna jira dilal kale oo qaarkood ka sii fool xun yihiin kuwaa hore oo lagu fuliyey dad tiro badan isku mar iyada oo aan wax maxkamad ah la marin. Xilliyada ugu badan ee dilalkaasi dhaceen waxaa ka mid ahaa xilligii kacdoonnadii gobonimo doon ee Maraykanku xoogganaayeen.
Charles Lynch oo ahaa garsoorihii Maraykanka ee gobolka Virginia ayaa markii gobonnimada la qaatay waxa uu amar ku bixiyey in dad xad dhaaf ah la dilo iyada oo aan la marin maxkamad iyo wax sharci u eeg midna. Waxa uu sheegay in dadkii daba-dhilifka uu ku sheegay oo ahaa dadkii uu gumaystihii Ingiriis kaga tegey Maraykanka iyo sidoo kale dadkii la jiray, lana shaqeeyey boqortooyada Ingiriiska ee gumaysanaysay oo u badnaa gobollada Koonfureed ee Maraykanka in la ururiyo kadibna la dilo.
Dagaalladii sokeeye ee Maraykanku intii aanay qarxin, waxaa dilal sidan oo kale ah lagula kacay addoomihii madowga ahaa ee xorriyaddooda doonayey. Labadan qolaba dilkoodu ma’ uu ahayn dilka caadiga ah ee sawirkiisu maskaxda ku soo degdegayo, balse waxa dilka ka hor loo geystay ciqaab daran. Garsoore Charles Lynch isagu waxa uu si cad u amrayba in dilka ka hor dadkan sidii kasta ee loo ciqaabi karo loo ciqaabo, sida in nolosha lagu gubo, in iyaga oo nool xubnahooda jidhka qaar la jaray, in ragga la dhufaano, in diirka laga siibo sida xoolaha iyo kufsi.
Falalkan foosha xun marka la geysanayo cid gaar ah laguma koobi jirin ee ruuxa ama dadka lagu fulinayo waxaa la dhex keeni jiray kumannaan dad ah oo loo fasaxi jiray in mid kastaa waxa uu rabo iyo sida uu u rabo ku ciqaabo dadkan la dilayo. Marar badan waxaa dhacday ruux la dilayo in qof daawadayaasha ka mid ahi si kibir ah boqollaal xabbadood ku dhufto si jidhka qofku u googo’o, iyada oo weliba dadka oo dhami ku damaashaadayaan kuna raaxaysanayaan dilka.
Sida aynu hore u soo sheegnayna waxaa marar badan dhici jirtay in maxkamadda iyo masuuliyiinta dawladda oo ka war haya qofka la dilayo isaga oo nool jidhkiisa la googoosan jiray, tusaale dhowna waxa aynu u soo qaadan karnaa James Erwin oo nolosha lagu gubay dalka Maraykanka, gubista ka horna isaga oo nool ilkaha kelbad lagaga soo guray, faraha gacmaha iyo lugaha laga jaray isla markaana xiniinyaha laga saaray. Dhammaad.
Xigasho Wargeyska Geeska Afrika
COMMENTS
|