berberatoday.com
Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Kusoo Laabtay Kana Waramay Socdaalo Uu Kutagay Wadamada Yurub Iyo Imiraatka Carab
April 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo in muddo ah safaro ugu maqnaa dalka dibadaasi gaar ahana wadamada yurub iyo imaaraadka ayaa saaka aroortii hore kusoo guryo noqday magalaada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland.

Waxaana gudoomiyaha markii uu kasoo dagay garoonka Cigaal Internation ee magaalada hargeysa halkaasi kusoo dhaweeyey Koox kamida Xisbiga Ucid ee isaga taageersan iyo odayaal iyo cuqaal kooban oo jufadiisa hoose kasoo jeeda kuwaas oo madaarka kuyimi soo dhaweyn caadifadaysan oo aan niya ahayn

Waxaana soo dhawayn kadib qolka nasashada ee VIP Room-ka warbaahinta qar kula hadly gudoomiyaha xisbga mucaaradka ah ee UCID eng Faysal Cali Waraabe waaxaana uu ka warbixiyay ujeedada socdaal uu ku tagay wadamada yurub iyo imaaraadka, isaga oo sidoo kale tacsi u diray eheladii, qaaraabadii, asxaabtii iyo waliba qaranka Somaliland ee ay ka baxeen dhalinyaradii ku madhatay badda dalaka masar waxana gudoomiyaha oo arimahaa ka hadlaya uu yidhi.

“Anigu dee waad ogtihiinoo waxaan ku maqnaa hawlo qaran iyo mid xisbi si fiicana way kusoo dhamaatay, waxan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa dadkeenii qurba joogta ahaa oo hada baraarugay oo ay gashay dar dar cusub oo aqoonsiga Somaliland ah taas ayay ahayd sababta ugu way nee aan u tagay marka hore shirkii Sweden,ka bacdi waxaan tagay London, intaasi kadibna waxaan kusoo noqday imaaraadka oo waxoogaa joogay, masiibadii dhacday ee ubaxeenii ku lee’deen badda mark ahore waan ka tacisyadeynaya qaranka, eheladii qarabaadi iyo cid kaste oo ay ka baxeenba, runtii waa nasiib daro in dhalinyaradeenii nabada ku barbaartay ee jaamcadaha ka baxday iyo somalidii kasoo carartay xabada ay meel kuwada dhintaan waa inoo nasiib daro”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa xukujmadda ku baraarujiyay inay dhalinyarada tahriibaysa u sameeyeen shaqo abuur iyo jawi maal gashi si ay shaqo abuur ugu noqoto ugana waantoobaan aafada tahriibta ee ay ku madheen waxaana uu yidhi.

“Waxyaalo badan ayaa keenaya tahriibta ama inay dhalinyaradeenu tahriibaan waxa weeyey marka u horeysa wadankii oo aanay shaqo jirin, dawladi dadka uun ma qori karto waxa lo baahan yahay in dalka loo sameeyo barnaamij maal gashi ah, waxa loo baahan yahay mashaariicda inoo imanaya ee aynu iska hor taagan nahay ee shaqada abuuri lahayd ee ay ka mid tahay dakeda iyo warshada sibidhka in lasi daayo oo la dhameeyo si ay dhalinyaradu shaqo u helaan ay kaga maarmi karaan aafada tahribka”Sidaas ayuu yidhi gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbayntii gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay sida uu u arko dacwada ay garabka aqoonyhana Jamaal Cali Xuseen u gudbiyeen gudida diiwaangalinta ururada siyaasada waxaana uu daadifeeyey dacwadaasi waxaan uu yidhi.

“Dacwadi ma jirto laakin looyaro Ayaan qabsanyaa iyo kaambayn joogto ah waxaan u arkaa in qofkuna is xumaynayo qof kalena ay xumaynayso, xisbigu nidaam ayuu leeyahay waa xisbiga ugu da’da wayn golahiisa dhexe waa la doortay, xafiisyaday yaalaan oo inta qof eek u jira waa la yaqaana darajada layska sheeganayo oo dad aan xisbiga ku jirinbaa macal title wada sheeganaya anagu maamul Ayaan leenahay oo xoghaye Ayaan leenahay oo gole dhexe Ayaan leenahay markaa in xisbiga been laga sheego in xisbiga dad layska magacaabo aanay awood u lahayn waxaan u arkaa inay fawdo tahay”Sidaas ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Si kasteba ha ahaatee hadalkan kasoo yeedhay gudoomiye  Faysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli uu muddo safar dalka dibadiisa ah ku maqna isga oo saaka waabarigiina kusoo guryo noqday magaalada hargeysa.

 

 1 2345678 Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews