berberatoday.com
Xildhibaan Cabdiraxmaan-Xoog Oo Sheegay Inay Somaliland Madaxda Somaliya Kala Gorgortamayso Lacag –
April 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Mudaanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay in aanu jirin wax wada hadal ah oo dhexmaray, balse ay Somaliland doonatay lacag  loogu talagalay maamul goboleedada iyo turxaan saarida Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu  hayo  xogo ku saabsan arintan, isaga oo tilmaamay in Maamulka Somaliya uu Somaliland ugu talagalay saddex milyan oo dollar, balse Xukuumaddani ay doonayso in la siiyo shan milyan oo dollar.

gg

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani Siyaasadii Arrimaha Dibadda ku fashilantay oo meesha ay ka saartay ictiraaf raadintii, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  “Arinkan wada hadalka anigu kala hadal baan u aqaanaye, ee ku fadhida maabadida ha yidhaahdo  run ha sheegin been ha sheegin, waxaad sheegto ha waayin wax aad sheegtana ha beenayn, wada hadalna maaha, sida aan in badan sheegay, afaf badana aan ku qoray, Xukuumaddan taladda dalka haysa Siyaasaddii Arrimaha dibadda wey ku murkacatay, weyna majara habaabisay, maalintii ay meesha qabsatay ayey yidhaahdeen itaajihii siyaasadda arimaha dibadda ayaanu bedelnay, siyaasadda arrimaha dibaddana wuxuu noqday keega qaybtayda anigana i sii, oo inta yar ee laga soo helo beesha caalamka in loo daba fadhiisto Maamulka Muqdisho, in Hawadii Somaliland loo daba fadhiisto Muqdisho, markaas xididka lacagtuun ayaa shaqeeya Xukuumaddan taladda haysa iyo Xisbigeeda Kulmiye”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey xoggo uu helay wuxuu  yidhi “Wada hadalkana waxa uu daba socda ciriqii lacag raadinta, waxa aan war ku hayaa in Ragga ay dirteen inay yihiin Rag aan saaxada Siyaasadda ku jirin, dhinacna Xukuumaddu wey ka dafirsan tahay oo waxay leedahay imika wada hadalo bilaabi mayno, runtiina iyaga ayaa markii hore xidhay oo yidhi dad reer Somaliland ah ayaa la soo diray oo la hadli mayno, laakiin arinka dhabta ah ee biyo kama dhib caanka ah  ayaa ah in  Beesha Caalamku xoogaa lacag ah soo  siisay Madaxweynaha Somaliya ninka la yidhaahdo Xasan, lacagtaas oo ah mashruuca isku soo dhaweeynta maamul goboleedada iyo turxaan saarida, lacagtaasi waa lacag xoogeeya,  Umadda Somaliland mawqif bay gaadheen, nin kasta oo siyaasi ah waxa uu doono ha aaminsanaado, meelna ma geyn karo umaddan, markaas lacagtaas bay maqleen, sanqadh baa u baxday,   waa dhab, shantan nin ee la diray iyo waxan la sheegayaa waa dhab, kuwaasi waxay yidhaahdeen waxaanu idin siinaynaa saddex milyan, ee qaata, kuwana waxay ku dhegan yihiin shan milyan na siiya, intaas ayaa la isku haystaa, laakiin wax wada hadal la yidhaado oo jiraa ma jiraan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda wuxuu yidhi “Xukuumaddu waxay soo xidhay safaaradihii aynu ku lahayn Wadamada Caalamka, waxay xidhiidhkii u jartay Wadamadii Somaliland cilaaqaadka la lahaa, haddii ay ictiraaf raadin noqotana shantii sanno ee ay xilka haysay, ayey raadin lahayd, ee in labadii sanno ee xaaranta ahaa ee muddo kordhinta loo sameeyey oo sannad dhammaaday, inay yidhaahdaan wada hadalo ay joojiyeen ayaanu dib u bilaabaynaa, wax ka soconaya maaha.”

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews