berberatoday.com
Ciidammada Qaranka Oo Qabtay Gaadhi Uu Leeyahay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Lala Soo Goostay Iyo Maleeshiyo-beeleedyo Reer Buuhoodle Ah Oo Isku Hub-urursanaya+Mudaharaad Ka Dhacay
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Badhasaabka Somaliland ee Buuhoodle Oo Wargeyska Himilo uga Warramay Mudaharaadka Magaalada Ka Dhacay

 

Widh-Widh(Berberatoday.com)-Ciidammada Qaranka ee Fadhiisinka ku leh Deegaanka Widh-Widh ee Gobolka Sool, ayaa Shalay Gacanta ku dhigay Gaadhi Xaajiyad ah (P-kaab) oo uu leeyahay Madaxweyne ku-xigeenka Maamul-gobolleedka Puntland iyo Dirawalkii Wadayba.

Gaadhigan oo ka yimid dhanka Magaalada Garoowe, ayaa Ciidammada Qaranku qabteen Markii uu gudaha u galay Degmada Widh-Widh, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Ciidammada Qaranka ee Jiiddaas ku sugan.

Lama oga halka uu Gaadhigu ku socday iyo waxa uu siday toona, laakiin Warar dheeraad ah oo Wargeyska Himilo helay, ayaa tibaaxay in Gaadhigu ku sii jeeday Magaalada Buuhoodle oo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Dhanka kale, Magaalada Buuhoodle, ayaa waxa taagan Xiisad Colaadeed oo u dhexeysa Beelaha halkaa wada dega.

Beelaha Buuhoodle ee taabacsan Kooxda Khaatumo, ayaa dalbaday in Magaalada laga saaro Caaqil ka yimid dhanka Maamulka Puntland, kaasi oo dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed ka bilaabay halkaasi, laakiin Beesha Reer Hagar oo uu ka dhashay ayaa diiday in Magaalada Laga Saaro Caaqilka Puntland ka socda, taasina waxay keentay dhaqdhaqaaqyo Colaadeed oo labada Beelood ah.

Maleeshiyaad hubeysan oo Taabacsan Caaqilka ka socda Garoowe, ayaa Shalay Gaadiidka Dagaalka oo dhowr ah ku dhex maray Waddooyinka Magaaladaasi, waxayna sheegeen inay u taagan yihiin Difaaca Caaqilkaasi.

Mid ka mid ah Saraakiisha Maleeshiyaadka Beesha Reer Hagar oo Warbaahinta taabacsan la hadlay, ayaa yidhi, “Buuhoodle, waa Magaalo Dhulbahante, Cid la iska hor-taagi karaa ma jirto, laakiin Siyaasadda qaldan ee Cali Khaliif iyo Kooxdiisu Masuulka ka yihiin uma dul-qaadan doono, in badan baanu ka indho Qarsannay. Markii Isimadayada la aqoonsan waayay, ee Cuqaashayada la aqoonsan waayay iyo Wadaaddayada la aqoonsan waayay, ma aqbaleyno”

Sarkaalkan oo sii hadlaya, ayaa sheegay in Ninka Caaqilka ah ee muranku ka taagan yahay uu yahay Nin da’ ah, “Ninkani waa Nin Weyn oo hadba meesha uu tago ayuu iskaga qallajistaa, imikana wuxuu dhiishkiisu qabtay Buuhoodle. Markaa Beesha uu Cali Khaliif ka soo jeedo waxaanu ka codsanaynaa in Ciidanka iyo Wiilashooda naga kexeystaan hadday Dad islaama yihiin, haddayna  naga kaxeysan wixii dhaca Beesha Bahabarsame ayaa ka masuul ah.”ayuu yidhi, laakiin Maleeshiyaad kale oo taabacsan Cali Khaliif isla-markaana doonaya in Magaalada Saaro Caaqilka ka socda Puntland ayaa iyaguna Hub urursi iyo Abaabul ka wada halkaasi, waxaana suurto-gal ah inay isku dhacaan.

Hasa-yeeshee, Dad Dadweynaha kale ee ku dhaqan Magaalada Buuhoodle, ayaa Shalay iskugu soo baxay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan dhaqdhaaqyada Colaadeed ee ka soo cusboonaaday halkaasi, waxayna Dalbadeen inaan Nabadgalyada lagaga Ciyaarin.

Badhasaabka Gobolka Buuhoodle Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed oo isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa khadka Telefoonka uu Wargeyska Himilo ku waydiiyey waxa uu Mudaharaadkaasi Daaranaa, ayaa sheegay inay Dalbanayeen in Nabadgalyada la ilaaliyo.

Badhasaabka oo Arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Shayga ugu weyn ee ay ka hadlayeen wuxuu ahaa Nabadgalyada, waayo, waa Dad Horumar doonaya, Dhibtu waxay tahayna hore u soo arkay. Waxay ku baaqeen inay Nabadgalyo kula noolaanayaan Ummadda Islaamka ah.”

Badhasaabku wuxuu sheegay in Dadku ay meel uga soo wada jeedaan Ciddii Nabaddooda dhibaateynaysa, “Wixii Nabadgalyada Carqaladeynaya ay ka mideysan yihiin Sheekh iyo Shariifba, Dadka iyo Dalkuna waa Somaliland.” Ayuu yidhi.

 

 

Xigasho Wargeyska Himilo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews