Hageysa(Berberatoday.com)-Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Ibraahim Iidle Saleban, ayaa si rasmi ah iskaga casilay xilkii
Ma jiro war rasmi ahi oo la xidhiidha iscasilaadaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Warbaahinta madaxabanaan ee Onlineka ah u sheegay in garyaqaanka guud isagoo dalka ka maqan uu xalay madaxtooyada Somaliland soo gaadhsiiyay warqad istiqaalad ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo hagaajiyay,taas oo uu kaga dalbaday inuu ka aqbalo go’aanka uu shaqada kaga tagay.