berberatoday.com
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ayaa La Kulmay Saraakiisha Ugu Sareeya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka‏
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

ciro ku

Washinton(Berberatoday.net/com)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka Maraykanka ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka. Kulan socday in ka badan hal saac ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka Somaliland, Doorashooyinka, iwm. Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo weftiga la socday ayaa ugu horrayn masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Debedda warbixin ka siiyey taariikhda Somaliland, iyo sida ay ugu qalanto inay ka mid noqoto wadamada beesha caalamka, sidoo kale waxay kala hadleen xasiloonida ka jirta iyo sida ay wadamada gobolka ugala shaqayso dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka dembiyada abaabulan. Arrimaha weftigu is-dultaagay waxaa ka mid ahaa qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo sidii dawladda Maraykanku ay gacan uga geysan lahayd.
Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda oo ahaa masuuliyiinta qaabilsan arrimaha Geeska Afrika ayaa kala ahaa Peter Lord oo ah ku xigeenka Xafiiska qaabilsan arrimaha bariga Afrika iyo Stacy M. Session oo qaabilsan xafiiska Soomaalida.
Labadan masuul ayaa sheegay inay dawladda Maraykanku diyaar u tahay inay door ka ciyaarto dhinaca doorashooyinka iyaga oo tusaale u soo qaatay mashruuc ay ku bixinayaan hawlaha doorashada. Weftiga ka socday Somaliland gaar ahaan Xisbiga WADDANI ayaa hordhigay masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka inay xafiis diplomaasiyadeed ka furtaan magaalada Hargeisa sida dawladaha kale.
Arrimaha la isla soo qaaday waxaa Iyana ku jirtay sidii doorashooyin wanaagsani uga dhici lahaayeen gobollada bari, taas oo weftiga ka socday Xisbiga WADDANI ay u sheegeen in Xisbiyada siyaasadda, Golaha Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay booqdeen marar is xigxigta gobolladaas iyaga oo ka shaqaynaya sidii diiwaangelin buuxda ay uga qabsoomi lahayd.
Ugu dambayn kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-af-garad ah. Waxaana dhinaca Somaliland kulanka ku wehelinayey Guddoomiyaha xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Xisbiga WADDANI Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Cali Cabdi, Xil. Cabdulqaadir Jirde, Xildhibaan Ibraahin Jaamac Reyte, Nuura Axmed Weris Wakiilka Xisbiga WADDANI ee Gobollada Virginia, Maryland iyo Washington DC. Abdirashid Jeeni
 
 
 
 
Waaxda Warfaafinta WADDANI
+252-(0)63-4408730
Website: www.waddaniparty.org
Facebook: Xisbiga WADDANI
Twitter: @Waddaniparty

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews