berberatoday.com
“Madaxweyne Weynu Aragnaa Somaliland Halka Ay Marayso Intii Ay Socdeen Wada Hadaladu, Ee Magaca Iyo Sharafta Ilaali Inta Xilka Kaaga Dhiman” Siyaasi Cabdi Haybe
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa khalad ku tilmaamay in Xukuumaddu dib u soo celiso wada hadalada Somaliland iyo Somaliyada iyada oo aan lala tashan Golayaasha iyo Xisbiyada Qaranka.

cabdihaybe

Cabdi Haybe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay inuu Madaxeynuhu soo saaro Digreetada uu ku dhimayo  Miisaaniyadda Sannadkan, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka UCID, Dhalinyaradii dhawaan ku geeriyootay Badda Masar iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi”Dadku aad ayey isku weydiinayaan sababta ay Dawladdu ugu sheegi weyday ee loo kootarabaabinayo wada hadalada  Somaliya, wixii la koontarabaaniyana waxa ku jirta caalamad su’aal, haddii wada hadalka la soo celiyo  waxa weeye Dawladda, Golayaasha iyo Xisbiyada Mucaaradka in lala tashado, maxa yeelay waxani waa wax umadda ka dhexeeya, masiirka  Somalilandna in cid laga qariyo maaha, wada hadalada Xukuumaddani la gashay Somaliya inay qariso khalad bay ahayd, sababta ay u qarinaysana ilaa hadda lama garanayo, inay iska tagaan oo ay wax qariyaana khalad weyn baan u arkaa”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar wuu Madaxweynaha fariin u diraayey ayaa yidhi “Madaxweyne mar haddii aad ka baaqatay Doorashadii, waa inaad magac iyo sumcad kaga tagtaa xilka, oo marka ay noqoto arinta wada hadalada waxa haboon in qodobadii muhiimka ahaa la soo dhigo miiska wada hadalada, laakiin in wax kale la soo dhigo waa ayaan daro, Somaliland waxa ay xoriyadeedii ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii, ee Madaxweyne weynu aragnaa Somaliland halka ay marayso intii ay socdeen wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, ee magaca iyo sharafta Somaliland ilaali mudada xilka kaaga dhiman, waxa kale oo ayaan daro weyn ah in hantidii qaranka ee ay umaddani lahayd lagu takrifalayo, oo wax alaale wax laga qabtay aanay jirin, laakiin is bedel dhab ah ayaa iman doona inshaalah,  ”

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey  sida wuu aragto Digreetadii uu Madaxweynuhu ku dhimay Miisaaniyadda Qaranka ayaa yidhi “Miisaaniyadda uu Golaha Barlamaanku ansixiyey cid wax ka jari kartaa ma jirto, haddii loo baahdo in wax la dhimo waxa sharciya inuu Madaxweynuhu u soo gudbiyo Golaha Wakiilada, codsi ku saabsan dhimista Miisaaniyadda isaga oo ku soo lifaaqaya sababta keentay Miisaaniyadda dhimista, maxaa yeelay Golaha Wakiilada oo qudha ayaa xaq u leh sharciguna siinayaa wax ka bedelka Miisaaniyadda, waana sharci daro inuu Madaxweynuhu keligii yidhaahdo boqolkiiba shan iyo laabatan 25% ha la dhimo”.

Cabdi Haybe ayaa mar wuu ka hadlaayey khilaafka UCID wuxuu yidhi “Jamaal Cali Xuseen waa nin nadiif ah, waa nin aqoonyahan ah oo u baahan in la taageero, ee Faysal Cali Waraabe waxaan leeyahay Jamaal daa, oo haddii shirweyne lagu ansixiyey musharaxnimada jamaal, in haddana laga daba yimaada wax meesha qabta maaha, haddii cid la eryayo iyo haddii cid la magacaabayaba waxa lagu eryaa ama lagu magacaaba shirweyne, ee khilaafka joojiya”.

Cabdi Haybe Maxamed mar wuu ka hadlaayey Dhalinyaradii rahriibka ahayd ee dhawaan ku dhimatay badda Masar ayaa  yidhi “Waxa wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale qolada KULMIYE odhan jireen UDUB wey tagaysaa ee ha tahriibina, waxayna imika yidhaahdeen Kulmiye wuu tagayaaye ha tahriibina, sidaas ayeyna u eegtahay,oo shaqooyinkii baa qabyaalad noqday,  waxayna dhalinyaradii noqdeen bilaa rajo.”

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews