berberatoday.com
Sir La Helay”Xukumada Oo Beesha Bariga Burco Warqad Usoo Siisay Dhismaha Dekeda Ceelgardi Iyo Waraaqaha Fadeexada Xambaarsan Ee Madaxtooyada Kasoo Baxaya+Xaaladii Ceelgardi Oo Dib Usoo Cusboonaatay
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Dekeda Ceel gardeBerbera(Berberatoday.net/com)-Wasiirka kaluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax(Buureed) ayaa isaga oo fulinaya amaro kaga imanaya aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inuu waraaqo ogolaasho ah soo siiyay horjoogayaasha beesha bariga Burco ee waayadan danbe ku hawlanaa dhismaha Dekeda sharcidarada ah oo laga bineeyo deegaanka Ceel Gardi oo masaafo 22 Km ujirta magaalada Berbera ee ay ku taalo Dekeda weyn ee caalamiga ahi, Warqadan ayaa la sheegay in bixinteeda uu soo amray Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi oo hadiyo jeer ka shaqeeya cunfiga iyo qabyaalada oo aanu qarsan kudhaqankeeda caana uuu kuyahay.

Warqadan oo la qarinayo ayaa waxa si hoose loogu keenay oo loosoo gaadhsiiyay Gudoomiyaha Saaxil si uu amarkaas dhismaha Dekedaas reereysan ee beesha Madaxweyne Siilanyo dhisanayso ufuliyo.

Warqadan sharcidarada ah ee Dekeda macmalka ah beesha madaxweyne Siilanyo ugu ogolaanaysa inay masaafo 22 km meel ujirta Dekeda caalamiga ah ee berbera ay dekeda uga samaystaan ayaa laga yaabaa inay keento fawdo dalka oo dhan ka bilaabanta iyo iskudhaca beesha Bariga Burco iyo beesha deegaanka Gobolka Saaxil oo iyagu aan manfac weyn ku qabin dekeda Berbera balse ilaalinaya danta guud ee qaranka oo aad moodo in hogaamiyayaashii dalka hagaayay iyagii fawdo galinayaan. sidoo kale waxa Deegaanka Ceel gardi hore uga dhacay shaqaaqooyin keenay weerar ay isku qaadaan beelaha deegaanka Gobolka Saaxil iyo beesha bariga Burco oo kaashanaysa awooda Madaxtooyada dalka looga taliyo.

waxa kaloo iyana laga baqe qabaa in Dekedaas macmalka ah ee aanay Xukumada dalka ka talisaa gacanta kuhaynin ay kasoo dagaan waxyaabo amniga dalka waxyeelo ugaysta iyo waliba iyada oo laga soo dajiyo badeecado koontarabaan ah oo lagala baxsanayo cashuurta dawlada ee dalka lagu kala wado islamarkaana mushahaaraadka Ciidamada qaranka iyo kuwa shaqaalaha dalka lagu bixiyo sidoo kale aduunka lama arag deked beel ama qabiil gaari leeyahay oo ka madax banaan dekeda dal leeyahay.

Arinkan ayaa in mudo ahba soo jiitamaaysay oo xukumada Madaxweyne Siilanyona ay ka caga jiidaysay inay ka hadasho ama wax ka qabato dhismaha Dekedaas sharcidarada ah ee laga dhisayo duleedka Dekeda caalamiga ah ee Berbera dalka oo dhana waraabisa, waxaanay talaabada waraqadan wasiirka kaluumaysigu kusoo bixiyay umuuqataa mid badheedha oo aanay Xukumada madaxweyne Siilanyo geedna ugu soo gaban sidii ay beesha bariga Burco Dekeda sharcidaro ah udhisan lahayd. iyada oo dantii guud ee qaran aan la eegeyn balse la eegayo danta gaarka ah ee qabiiliga ku salaysan waxaana dhici karta in bari ka maalin nin kastaa xeebta dheer ee Somaliland meel kamida dekedo sharci daro ah ka samaysto amnigii iyo wixii qaranka lagu ahaana meesha ka baxo, arimahaas fawdada keeni kara ayaa waxa horboodaya masuuliyiinta xukumada ugu saraysa oo uu kaw kayahay Madaxweyne Siilanyo iyo wasiirada kasoo jeeda Beesha Bariga Burco oo ku foogan sidii ay beesha ay kasoo jeedaan dalka uboobi lahaayeen mudada ay xilka hayaan.

 

 

Ceel garde Dekeda Ceel garde

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews