berberatoday.com
Wadanka Kosovo oo Serbiya ka go’ay 2008-kii Waxaa aqoonsaday 111 dawladood oo ka mid ah qaramada midoobay ee maxaa Somaliland loo aqoonsan waayey?‏
April 28, 2016 - Written by Berbera Today
Baadi-goobka ictiraaf raadinta  Qaranka JSL maha arin ku kooban shaqsiyaad gaar ah iyo shaqaalaha dawlada iyo hayada ay arintani khusayso oo keliya  ee waa arin u taala Shacabweynaha JSL ee ku kala nool dalka Gudihiisa iyo Daafaha Dunidaba, gaar ahaan qurbejoogta reer Somaliland ee ku filiqsan daafaha dunida iyo wadamada hore u maray ee Dimuqraadiga ku abtirsada. Si Somaliland ay u hano qaado oo higsigeeda ugaadho ,hadii la doonaayo in laga midho-dhaliyo dar-dargelinta iyo dib-uhabeynta geedi socodka Siyaasada arimaha debeda ee Somaliland, Hadii la doonaayo in juhdi mug leh dib loo geliyo oo qarankeenan sarifmay ee saqiiray  aynu sumcadiisa iyo karaamadiisa dib u soo celiyo oo godka madow laga soo saaro si uu noqdo qaran isku duuban oo isku tashaday Mucaarid ilaa Muxaafid oo meel uga soo wada jeesta baadigoobka aqoonsi raadintiisa iyo ayihiisa dawaladnimo.
Si uu qaranka Somaliland uu ictiraaf buuxa u helo  ma aha arin sahlan ee waa arin u  baahan talo Qaran iyo caqli cokan oo mideysan sidaa daraadeed waa in  Xafiisyada ay Somaliland debedaha ku leedahay la dar-dar geliyaa oo laga shaqeysiiyaa oo Wakiilada  Somaliland u fadhiya wadamada kala duwan loogu dhaartaa in xilka culus ee ay qaranka u hayaan uu ka mid yahay in ay isku xidhaan Jaaliyadaha  Somaliland ee ku filqsan wadamada ay Wakiilaka uga yihiin Qaranka Somaliland.
Somaliland waxay iskood isugu dhawaaqeen gooni isu taag iyaga oo aan weli helin ictiraaf. taas oo aduunka looga yaqaano wadamada sidaa Somaliland oo kale ah ( De-facto state)  Wadamadaa ay Somaliland ka midka tahay iyaga qudhoodu waxay leeyihiin xuquuqo badan oo shuruucda caalamiga ah waafaqsan sida:
1-  Kala danbeyn Xadaysan oo dawladeed ( Certain degree of sovereignty )
2-  Xuduudo sugan oo aan lagu xadgudbi Karin ( International integrity )
3-  In aan cidina cudud iyo xoog ku muquunin Karin ( Benefits from prohibition of use of all types of exercise)
 Tusaale ahaan wadanka Kosovo oo Serbia ka go’ay sanad kii 2008 kii waxaa aqoonsaday markiiba boqol iyo kow iyo toban 111 dawladood oo 192 dawladood ee qaramada midoobay ugu tunka weyn ka mid ah waxaana maxkamada  ICJ ee aduunku ay u xukuntay gooni isu taag. Su’aasha aynu isweydiinayno  ayaa  hadaba noqonaysa maxaa Somaliland  oo mudo 25 sanadood ah dedaal ugu jirtay in ay caalamka ka hesho aqoonsi  buuxa loo ictiraafi la yahay?
Sidaynu wada ognahay Somaliland waxay aduunka ka dhacdaa bogcad qaali ah oo dhacda  gobol iyo mandaqad ay colaado ragaadiyeen kaas oo ay khataro halis ahi ay ku gedaaman yihiin. iyada taasi jirta ayaa reer Somaliland  ku guuleysteen in ay dhistaan Dawlad ku fadhida Nabadgelyo iyo degenaansho buuxa taas oo weliba jeexatay sifihii ay cagta u saari laheyd una hirgelin laheyd Nidaamka Xisbiyada badan oo Dimuqraadi ah laakiin weli  ” Faanoole Fari kama qodna”.
Waxaan qabaa shaqsiyan in muwaadin kasta oo reer Somaliland ah oo la socda isbedelka, waaqica iyo wacyiga siyaasadeed ee ka jira mandaqadan Geeska Africa in uu waajib qaran iska saaraayo baadi goobka juhdiga loogu jiro in JSL hesho ictiraaf buuxa. Baadi goobka ictiraaf doonku waa waajib iyo xil-wadareed saaran muwaadin kasta oo reer Somaliland ah.
Guntii iyo Geba-Gebadii Somaliland waa Dawlad gaar ah oo aan gor gortan geleyn waxaana cod-dheer oo aqbaliyad ah ay  shacabweynaheeda ugu foodeen  97%. in Somaliland gooni isu taagtay oo ka go’day wadankii Somalia la odhan jiray.
Alleh  Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews