berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Wasaarada Duulista Hawada Oo Maanta Ku Dhawaaqday In Ay Joojisay Soo Dhawaynihii Lagu Qaban Jiray Madaarka Gudahiisa, Sababo Amni Darteed +Muuqaal.
April 28, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ayaa maanta shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen Madaarka Cigaal International Airport ku sheegay in ay gabi ahaanba joojiyeen Soodhaweynihii lagu qaban jiray gudaha Madaarkaasi, Masuuliyiinta waxa kale oo ay shirkoodan jaraaid ku xuseen Haruumar la taaban karo oo ay Wasaaradda Duulistu ka gaadhay dhina Madaarada Somalailand.

Duulista
Ugu horayan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cumar Sayid C/laahi Aadan oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada uu daaranyahay Hirkan Jaraa’id ee Wada Jirka ahi ayaa yidhi:- “ Ujeedada aanu u qabanay shirka Jaraaid waxa weeye, in aanu ugu warbixino Amaanka guud ee Madaarada Jamuuriyada Somaliland oo runtii meel fiican maraaya, uu yahahy qaar la isku halayan karaayo inaga oo Dal ahaan kunaal mandaqad Xaasxaasiya, Amaankeedu aanu fiicnayan hada insha Allaa waxaanu ku guulaysany, Qadaraka ilaahay in Madaaradeenu si fiican u shaqeeyaan, hawlahoodii si fiican u wataaan, amnigooduna uu noqodo qaar la isku halayan karaayo, mar walbana waxaa muhiim ah wixii amnigaa dhibaato ku ah, in aanu Wasaarad ahaan ka taxadirno siyaasad ka yeelano, aanan meel kali ah istaagin ee aanu maalin walba talaabo hore u qaadno si amniga loo xaqiijiyo.

 

“Amaniga Madaarada Somaliland waxaa caqabad weyan ku ah, oo waligoodna ku soo ahaa soo dhaweynaha faraha badan, ee lagu dhex qabto gudaha Madaarka, iyada oo Madaxweynaha Somaliland Marka uu Madaarka ka baxayana, dhamaan Dawlada iyo Dadka soo dhaweynayaaba Gudaha Madaarka Salaanta lagu bixin jiray, sidoo kale Xisbiyada Qaranka iyo Dadka kale ee Mudanka ee Reer Somalilandna Qofka soo dagaaya iyo kii sii baxayaba ay tiro Dad ah oo faro badani aya iman jireen, arintaa runtii Wasaarada ahaan in badan ayaanu darsaynay, waanu u kuur galnay, waxana laysu wada waafaqay Wasaarad ahaan in arintaasi tahay arin khatarteeda leh, oo aan saacidayanin hanaanka amni ee Madaarda,waxaanu Madaxtooyada u gudbinay soo jeedin waana la naaqishay ilaa Madaxweyanaha oo waa la isku raacay Arintaasi in aanay ahyan Arin la jaanqaadi karta waaqica.

 

“Madaxweynuhu isaga oo Arintaas fulinaya ayaa socdaalkiisii uu ku tegay Dalaka Kuweyad Salaantii iyo shirkii Jaraaidba Madaxtooyada ayaa lagu qabtay, Madaxweyanaha iyo Tiro yar ayaa noo yimi, iyaga oo VIP-da maray oo aan cidna ogayan sidaa ayey ku baxeen, soo degistiina sidaas oo kale ayey ahayad, markaa Maanta Shirkayaga Jaraaid waxa weeye, in aanu manta halkan ka iclaamino in dhamaan soo dhawaynihii iyo shirarkii jaraaid ee Madaarka guduhiisa lagu qaban jiray aanu joonjinay, haday Tahay Asxaabta Qaranka, haday Tahay Madaxweyanaha Qaranka oo isugu hore noogu fuliyey, haday tahay Baarlamanka haday tahay Mudanka Reer Somalilandba.”

 

Wasiirudawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye oo isaguna Shirkaas jaraaid ka hadlay ayaa ka waramay Mashaariic socota iyo qaar dhamaady oo ay Fulisay Wasaarada Duulistu, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa:- “waxaanu dhisnay Darbiyo Dhaadheer, oo aanu kor u kicinay, dhirtii waaweynayd ee koonfurta Madaarka ku taalay waanu goynay,waxanu samaynay oo kale Irida laga soo galo Madaarka oo aanu ka dhisayno goob Dadka lagu baadho oo aanu dhigayno Mishiinkii Hubinta Dadka iyo Alaabada si marka qofku kaa lagu soo baadho uu u yimaado oo lagu baadho kan uu hada baadhitanku ka bilaabmo.”

Wasiirka Wasaarada Duulista Cumar Sh Maxamaed Faarax ayaa isna ku dheeraaday Amniga iyo sida loogu baahanyahay, iyo qoraalo ay u gudbiyeen Xisbiyada Qaranka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:- “Waxaanu isku daynay in aanu waxa ka qabano intii suurto gal ah Nabadgalyada, Xasiloodi Madaarada Somalailand, o Maanta noqday kan ayanu joognaa Bariga Africa, marka laga Reebo Ethiopia, ka kali ah ee laga soo Dego ama laga dhoofo ilaahay ayaa mahad leh, hadanay Nabadgalyo jirina waxba ma jiraan, haruumarna ma jiro, hadaanay Nabad galyo jirina Caafimaad ma jiro, Hadaanay Nabad Galyo jirin Nololi ma jirto, Ilaahay ayeynu ugu mhad naqayanaa Nabadgalayad uu inagu Manaystay.”

 

“Xisbiyada Qaranka warqada yaanu u qornay, oo aanu ka Codsanayno sidaa uu Madaxweynuhu ogolaaday, ee isba naga yeelay, in ay iyaguna Xafladahooda iyo Soo dhaweyanhooda ku qabsadaan Xarumahooda Waa Kulmiye, Waa UCID, Waa Wadani sadexda Xisbi Qaran, oo uu Noqdo Madaarku meel laga soo Dego oo la dhaafo

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews