Daawo Muuqalka”Sheekh Saleebaan Oo Markii Uhoreysay Ka Hadlay Booyad Uu Leeyahay Oo Shixnad Khamriya Uu Kusoo Raray Darawalkii Waday Oo Ku Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Berbera
April 29, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday)-Agaasimaha Guud ee wasaarada Diinta Iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid cali ayaa markii uhoraysay maanta khudbadii Jimcaha ee Masjidka Khaalid Binu waliid ee uu tujiyo kaga hadlay Gaadhi Booyad ah oo uu leeyahay oo dhawaan shixnad khamriya Burco kaga soo raray darawalkii waday oo ilaa hada ku xidhan yihiin darawalkii iyo gaadhigii booyada ahaa ee Agaasimuhu lahaa dhawaan Maxkamad la saari doono.
Agaasimuhu waxa uu ka marag kacag inuu gaadhigaas Booyada ah leeyahay balse danbiga khamriga uu leeyahay darawalkii Gaadhiga waday cadaalada iyo sharciga dalka uyaalana la marin doono, Mar uu jawaab ka bixinayay hadalo uu sheegay in laysla dhex maraayay laguna xidhiidhinaayay isaga khamrigaas ayaa waxa uu sheegay in aanu isagu ehel khamri ahayn noocuu u eegyahayna aanu waligii arag.