berberatoday.com
” Duqa Maayirkaa Loo Xushee Saaxil Lagu Doortay.Dayax Weeye Ay Reer Berbera Dunida Dheeryiine.Cidin Dowlad Hoosada Waxqabad Shicibka Deeqsiiye.Waa Diric Hogaanoo Wanaag Lagaga Daydaaye”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
April 29, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Abwaan Da yar oo reer Berbera ah oo layidhaa Magaciisa abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)ayaa gabay suudaani ku dheehantahay ku cabiray heerka waxqabad ee Gudoomiyaha Golaha deeganka degmada berbera Nudane Cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin)waxaanu gabaygaas ugu magac daray dayax

Cabdishakuur Cidin

Halkan Hoose ka akhriso

Dabuub gabay ah dood iyo martida lagu damaashaado.

Dibnahayga goortaan u furo waan dudubiyaaye.

Fanka daacadnimo maalintaan galo diwaankayga.

Door roone faaliyo ka qaro dulucyo maamuus ah.

Dadku waxay I moodaan abwaan duunyo raadsadaye.

Hayeesheese damiirkii bed qaba doorin waa shiline.

 

Aan dayo bal Maantana waxaan daalac u arkaayo.

Duqa maayirkaa loo xushee saaxil lagu doortay.

Dayax weeye ay reer berbera dunida dheeryiine.

Cidin dowlad hoosada wax qabad shicibka deeqsiiye.

Waa diric hogaanoo wanaag lagaga daydaaye.

Dugsi weeye aan looga baran duudsi iyo boobe.

Dariiqyadan la jeexiyo wadada daamurku is gaadhay.

Iliilado bad weyntaa ku dara daadka soconaaya.

Duruustiyo iskuulada kabkaa uu la daba joogo.

Jaamacada ubadku ku daray derejaduu gaadh-shay.

Danyar samo falkuu taray ma jiro ruux dafirayaaye.

Da,yartaa u aydoo masuul debecsan weeyaane.

Waa daadaheeyaha bulshada doojiyoo runahe.

Masaakiinta sidu ugu damqado deriska kii baahan.

Dakhtarada bukaankiyo wuxuu shicib dawaynaayo.

maatida dayacan caawimada daaro wuxu siiyay.

Duqaydiyo agoomaha wuxuu Dalab ka yeelaayo.

Ducufiyo wuxuu qaar asturay deymo lagu haysto.

Doc kastaba ka eegoo wuxuu deeqo bixinaayo.

Damiin iyo wuxuunbaan arkayn daalinimiin necebe.

Dalxiis xeebta ruuxii u yimi qurux u daymooye.

Dadka wuu u simanyoo qabiil daanadii ma lehe.

Ana beenta uma duur xulee waxan kusoo duubay.

Anigoon Dan gaariyo Hunguri duufsan aragayga.

Daandaandibay qaar I odhan ereyo deel qaafe.

Deeriyo colkiisaa hadhoow soo dagaal geliye.

Hala daayo waa geesigii doorkan noo kacaye.

Damacuna halkiisee kursiga dahabka aad moodo.

Dhayal ugama degaayee masuul daacadaa koraye.

Dalacsiin nimaan ugu dhuftaa dabaqyo sii guulyo.

Waxbayaan intoo laysku dayo dood xun laga yeelan

DHAMAAD

 

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi Shanfool

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews