berberatoday.com
Gudida Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Amba Bixiyay Shaqaalihi Iyo Gaadiidkii Ka Hawl Galayay Goobaha Diiwaangalinta Gobolka Maroodi-jeex+Sawiro
April 29, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa maanta magaalada hargeysa ka amba bixiyay shaqaalihii iyo gadiidkii ka hawl galyay diiwaangalinta codbixiyayaasha oo maalinta bari ah ka bilaabmaysa gobolka maroodi-jeex.

Waxaana munaasibasd kooban oo loo qabtay amba baxinta shaqaalaha, agabka iyo gadiidka ka hawl galaya goobaha diiwaangalinta goob joog ka ahaa masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, gudida komishanka iyo waliba taliyaha ciidamada booliska Somaliland.

Waxaana goobtaasi ugu horeyn ka hadlay mid kamid xubnaha gudida komishanka doorashooyinka waxaana uu sheegay in maanta ay amba bixinayaan shaqaalihii iyo gadiidkii ka shaqaynayay goobaha diiwaangalinta, sidoo kalean waxa uu baaq u diray bulshada ku nool goobaha kala duwan ee diiwaangalintu ka bilaabmayso, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan shaqaalaha sidoo kalena ay ilaaliyaan amniga iyo xasiloonida waxaana uu yidhi

“Waxaan maanta ka amba bixinaynaa jaamacada magaalada hargeysa shaqaalihii,gaadiidkii agabkii iyo ciidamadii ka hawl galayay goobaha diiwaangalintu ka bilaabmayso, shalay ayuunbay ahayd dahfuridii waxii macluumaad ahaana shalay ayaynu kala qaadanay,waxa baaq dardaaran ah u dirayaan bulshada ku nool goobaha ka bilaabmayso diiwaangalintu waxaan ugu baaqayaan inay ixtiraamaan,lana shaqeeyaa shaqaalaha ilaaliyaana aminiga”Sidaas ayuu yidhi mid kamida gudida komishanka doorashooyinka qaranka.

Geesta kale waxa iyaguna hadalada iskaga daba maray masuuliyiinta xisbiyada qaranka oo iyagu goob joogayaal ka ahaa waxaanay gudida komishanka ku booriyeen kuna amaaneen shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, iyaga oo sidoo kalena bulshada gobolka maroodi-jeex ku bogaadiyay inay isdiwaangaliyaan ayna qaataan kaadhka codaynta.

Ugu danbaynti taliyaha ciidamada booliska Somaliland sareeye guuto Cabdilaahi Fadal Imaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bulshada gobolka maroodi-jeex ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga dalka isag oo sidoo kalena ciidamada booliska ee ka hawl galaya goobaha diiwaangalinta ku amray inay si fiican ula shaqeeyaa dadkasi, isla markaana gacanta kusoo dhigaan cidii wada khalkhal iyo amni daro.

123410678910

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews