Turkiga Oo Sheegay In Uu Mashruuc Guryo Lagu Dhisayo Ka Hir Galinayo Muqdisho
April 29, 2016 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Masuuliyiinta Dawlada turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah dalka Soomaaliya ka hir galin doonaan mashruuc lagu dhisayo guryo fara badan.

Ilaa 10 kun oo guri oo loogu tala galay in ay dagaan dadka danyarta ah ayaa lagu wadaa in wajiyada hore ee mashruucaan lagu dhiso, sida ay sheegtay xukuumadda Ankara.