berberatoday.com
Guddida Ka Garnaqa Dhulka Hargeysa Oo Sharci Darro Ku Sifeeyey Xayiraadda Maxkamadda Degmada Hargeysa Saartay Dhul Ku Yaalla Masalaha
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Guddida ka garnaqa Dhulka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sharci darro ku tilmaamay dhul ku yaalla xaafadda Masalaha ee Magaaladda Hargeysa oo ay maxkamadda Degmada Hargeysa Xayirtay, taas oo uu soo saaray garsoore Xasan Cabdillaahi Cawaale oo ka tirsan Maxakamadda gobolka Hargeysa.

 

Xildhibaan Ilyaas Xuseen Jaamac oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, xubinna ka ah guddida ga garnaqa dhulka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa sharci darro ku sifeeyey xayiraadda ay maxkamadda Degmada Hargeysa ku soo rogtay dhulkan garoonka ah ee ku yaalla masalaha oo ay ku muran sanyihiin wasaaradda ciyaaha oo ku doodaysa in uu garoon yahay iyo qof shacab ah.

Xildhibaan Ilyaas oo Xalay la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in aanu dhulkaas

ku qornayn oo aanu lahayn Xildhibaan Saleebaan Daahir Dogox oo Golaha deegaanka Hargeysa ka tirsan, isla markaana aay sharci ahayn in isaga lagu dacweeyo, isaga oo daliishaday qodobo sharci oo u yaalla waddada loo maro ka garnaqa dhulka.

Xildhibaan Ilyaas Xuseen Jaamac oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Intii aan la samayn guddida ka garnaqa dacwadaha ee Gobolka Maroodi-jeex oo hadda ay leeyihiin gobolada kale ee dalku, waxa dacwadaha laga furan jiray maxkamadda, laakiin hadda intii la sameeyey guddiyadaas waxa dacwadaha laga soo bilaabaa guddida ka garnaqa dacwadaha dhulka ee gobolka sida uu dhigayo Xeer No 17, sharci ma aha in dacwad dhul laga furto meel kale, waxaana looga ambiil qaataa maxkamadda sare, markaa maxkamadaha kale maadaama oo aanay ku shaqo lahayn in ay dhul ka garnaqaan ma noqonayso in ay xayiraan, garyaqaanka guudna waxa uu u doodaa ama u dacwiyaa dawladda, dacwaddanna anaga ayaa nalaga furay oo sharcigu na siinayaa in aanu ka garnaqno”

Xildhibaanku waxa uu caddeeyey in aanu dhulkaas ku qornayn xildhibaan Dogox, sidaas awgeedna aanu sharciba ahayn in lagu dacweeyo, waxaanuu yidhi “Magaca Dhulka kuma qorna Xildhibaan Saleebaan Dogox, ducmentiga uu dhulkani leeyahayna waxa ku qoran qof kale oo dumar ah, markaa kolhadii aanuu ku qornayn xildhibaanku sharciba ma noqon karto in la xayiro ama dacwadba la furo sharci ma aha, dacwaddu waxa ay ku socon kartaa uun qofka ku qoran oo wakiil ayuunbuu ka noqon karaa, markaa sharci ma aha xayiraaddaasi”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews