berberatoday.com
Madaxweyne Siilanyo Oo Xilalkii Ka Qaaday Wasiirkii Isgaadhsiinta Iyo Taliyihii Ciidmada Ilaalada Xeebaha Somaliland
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

xilka qaadistaHargeysa(Berberatoday.comMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal iyo Taliyihii Ciidanka ilaalada Xeebaha Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ka dib markii sida lagu sheegay War-Saxaafadeedka inay ka baydheen qaar ka mid ah waxyaabihii uu Madaxweynuhu faray.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu go’aankan xil-ka-qaadista uu go’aansaday, ka dib markii ay Wasiirka iyo Taliyuhu fulin waayeen awaamiir uu sheegay inuu siiiyey, kuwaasoo la sheegay inay la xidhiidho arrin Shirkado gaar ah lagu garab-siinayo oo kuwa is-gaadhsiinta ah, sidoo kale, lagu cadaadinayo Shirkadaha is-gaadhsiinta Somaliland ka jira qaarkood.

Sidaa waxaa lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed Xambaarsan Digreetada uu Madaxweynuhu xilka kaga qaaday Masuuliyiintaas, kaasoo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax). Waxaana Nuqul ka mid ah War-Saxaafadeedkaas oo soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay,JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

  1. Ujeeddo:      Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal,

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta     

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

  1. Ujeeddo:   Xil-ka Qaadis

Ø  Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

            Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL                                            

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.” sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka xilka lagaga qaaday Masuuliyiintaas ee uu Aftahannews soo gaadhay nuqulka ka midka ahi.

 

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews