berberatoday.com
Sir Culus: Ganacsade Maxamed Aw Siciid Oo Madaxtooyadda Ku Saduleeyey Xilka Qaadistii Wasiirka isgaadhsiinta, Kuna Hanjabay Haddii La Celin Waayan Markab Taagan Dekedda Berber Oo Jiidaya Xadhigga Internet-ka Ee Biyaha Bada Hoosmara Inuu…
April 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ganacsade maxamed Aw siciid ayaa la sheegay inuu calaacal iyo muusanow ula yimi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo ay weheliyaan xubno awood badan ku leh qasriga Madaxtooyadda, kana codsaday inuu xilka ka qaado Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Farax Abgaal oo caawa Madaxweyne Siilanyo xilka ka qaaday, kaddib markii uu diiday inuu dib u celiyo Markab sida xadhkaha Internet-ka oo hadda taagan biyaha badda Berbera.

Sidoo kale, Ganacsade Maxamed Aw siciid ayaa Madaxweynaha iyo xubnaha Qasriga awoodda ku leh ee awaamiirtoodu ka socoto, farray inay waxba kama jiraan ka dhiggaan saxeex hore oo madaxweyne Siilaanyo ku fasaxay inay dalka keenaan shirkaddo waddani ah, xadhigga badda hoos-maraa ee Internet-ka. Kaasoo markabkii siday uu hadda taagan yahay Haabadda biyaha Dekedda Berbera.

Waxa kaloo, xoggaha laga helaayo sababta xilka caawa looga qaaday Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Faarax Abgaal, ay sheegeen inuu diiday ka laabashadda saxeexa keenista xadhigga Somcale ee badda Berbera lasoo dhigaayo. Xadhigaasoo ay soo waarideen shirkaddaha isgaadhsiinta ee dalka oo ku shuraakoobay.

Ganacsade Maxamed Aw Siciid ayaa la sheegay inuu dhaqaale boqolaal kun oo doolar ka badan caawa ay kaga baxday sidii xilka looga qaadi lahaa wasiirka Boosaha Md. Maxamed Abgaal, kaasoo aakhirkii ku guuleystay, hase-yeeshee waxa hal-dhigaale cusub noqon doontaa tallaabadda Madaxweynuhu ka qaaddo Markabka taagan Dekedda Berbera, oo uu hadda celintiisa ku mashquulsan yahay Ganacsadaha ismahadiyey ee Maxamed Aw siciid. La soco xoggaha kasoo kordha dhaqdhaqaaqyadda dib loogu celinaayo Markabka taagan Haabadda Dekedda Berbera.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews